Culumada
Ahlu Sunna oo xukun qasaas ah ka fulsay Guriceel
Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa xukun qasaas ah
ku fuliyay
labo ruux oo lagu eedeeyay inay dil ka gaysteen deegaanka
Xeraale ee
gobolka Galgaduud
C/qadar Caato iyo sidoo kale Xirsi Cabdi Cabdulaahi oo lagu
eedeeyay
inay dil ka gaysteen deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud
ayaa waxaa
maanta xukun qasaas ah ku fuliyay Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca
ee
goblada dhexe.
Xiriir uu la sameeyay Websetka Warlalis Gudoomiye ku xigeenka
Golaha
fulinta Ahlu Sunna Sheekh Axmed Ilka case ayaa waxa uu sheegay
in
Maxkamada Maamulka ay xukunka fulisay, isaga oo sheegay in
fulinta
xukunkaani dilka ah uu ka dambeeyay kadib markii Ehelada dadka
la
dilay ay codsadeen in loo dilo eedeysanayaasha oo Gudoomiyaha
uu xusay
in markii ay dilka gaysteen ay qabteen ciidamada amaanka.
Ehelada loo fuliyay xukunkaani dilka ah ayaa soo dhaweeyay
talaabada
Maamulka Ahlu Sunna uu ku qasaasay labadaani ruux oo ay sheegeen
in ay
ku faraxsan yihiin, waxaana Maamulka Ahlu Sunna uu ka digay
dilka
dadka rayidka ah oo qofkii gaysta oo uu sheegay in la dilayo.
Waa markii u horaysay oo Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca uu
degmada
Guriceel xukun dil ah ka fuliyo.