» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Culimada ASWJ ee Gobolada Dhexe oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Maliishiyaadka Alshabaab oo gacanta ku haya waxyaalaha qarxa. Xagee lagu qabtay??

 

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca howlgal ay sameeyeen ay ku qabteen rag katirsan maliishiyaadka Alshabaab.

Hawlgalkaan ay sameeyeen ciidamada Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee degmada guriceel ayaa la sheegayaa in lagu soo qabqabtay Maliishiyaad gaaraya ilaa 4 ruux, maliishiyaadkaan ayaa lagu qabtay waxyaalaha qarxa iyaga oo sheegay in loo soo diray in Magaalada Guriceel ay ka sameeyaan amaan daro.

Madaxa Amniga ciidamada Maamulka ASWJ ee degmada Guriceel Sh Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay maliishiyaadkaan gacanta lagu dhigay inay la damacsanaayeen Magaalada Guriceel dhibaato weyn isaga oo sheegay in sharciga lasoo hortaagi doono.

Magaalada Guriceel ayaa ah meeshii ugu horeysay ee Culimada ASWJ ay dagaal hubeysan kala horyimaadaan maliishiyaadka jid iyo jihadiidka ah ee ku soo duulay diinta Islaamka, culimada ASWJ ee Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay Maliishiyaadka Shabaabka ka sifeeyaan inta badan Gobolada dhexe ee Soomaaliya


Culimada ASWJ ayaa noqday dadkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee Maliishiyaadka Alshabaab/Alqaacida jilbaha u dhigay kana saaray degmooyin badan iyaga oo culimadu aysan ka helin wax taageero Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Culimada ASWJ ayaa taageero baaxad leh ka helay Shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan iyaga oo ku guuleystay in shacabka degaanadaasi ku noolaadaan nabad iyaga oo aan welwel ka qabin dilalka iyo cabsi gelinta Shabaab.

Shacabka Gobolada Dhexe ayaan helin taageeradii ay u baahnaayeen si ay uga soo kabtaan dagaalada xooga leh oo ay kula jireen 3dii sano ee lasoo dhaafay.

Dawladda Soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan rag kasoo jeeda Wahaabiyada dhashay Maliishiyaadka Alshabaab ayaan wax gacan ah siinin culimada ASWJ. Sidoo kale Dawladda Soomaaliya oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed isaga oo gacan ka helaya Amb. Mahiga ayaa Culimaddii ASWJ ee Gobolada dhexe ee dagaalka Xooga leh la gashay maliishiyaadka Alshabaab waxay magaceedii siiyeen masuul culimadu wakiil ahaan ugu magacaabeen Gobolka Banaadir, Masuulkaasi oo culimaddii Wakiilatay ka door biday qabiil, la taliyana u noqday Shariif Sheekh Axmed.

Isku soo wada duube waxaa shacabka Gobolada dhexe iyo umadda Soomaaliyeed is weydiinayaan shaqsi ASWJ u magacaawday Gobolka Banaadir sida Shariif sheikh Axmed ugu Magacaabay Gobolka Banaadir Tarsan la siiyo masuuliyadii ASWJ iyadoo aysan jirin qof wakiilatay ama siisay masuuliyadaasi.


Ficilka Amb. Mahiga iyo Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay ku sameeyay Culimada ASWJ ee gobolada dhexe ayaa u dhiganta iyada oo Shariif Sheekh Ahmed oo haatan ah madaxweynaha Soomaaliya lasiiyo saxiixidiisii iyo Masuuliyadiisii Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Tarsan oo uu isagu magacaabay.



 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden