Ahmiyada ay leedahay 26
June iyo sida loo xusay
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26 June oo ah
markii gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay ka xuroobeen
gumaystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horaysay oo
ciida Soomaaliya laga suro Calankeena ayaa waxaa dabaal dagyo
farxadeed oo lagu xusayo gobonimada ay ka socdaan qeybo badan
oo dalka Soomaali ah.
Meelaha laga xusay munaasabadaha loogu dabaal
dagayo 26-ka June ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Maamulka Somaliland
oo ay ka mid tahay magaalada Hargeysa oo dadka ku dhaqan ay
fagaarayaasha isugu soo baxeen iyaga oo muujinaya sida ay ugu
faraxsan yihiin xuska maalintaan qiimaha badan, waxaana ka hadlay
Madaxda Somaliland.
Sidoo kale qeybo ka mid ah gobolada Koofurta,
bartamaha dalka iyo gobolada Waqooyi bari ayaa ka mid ah meelaha
munaasabada loogu dabaal dagayo, waxaana Madaxda Galmudug oo
ka hadlay maalintaani ay sheegeen in ay tahay wax lagu farxo,
iyaga oo soo dhaweeyay wada hadalada u dhaxeeya dowladda iyo
Somaliland sheegeyna in aysan kala goin Umada Soomaaliyeed.
C/qaadir Macalin Maxed Geedi oo ah Aqoonyahaan
Soomaaliyeed oo la hadlay Warlalis ayaa waxa uu sheegay in ahmiyad
weyn ay u leedahay Umada Soomaaliyeed 26-ka June oo uu sheegay
in halgan fara badan loo soo maray ugu dambeyntiina lagu guulaystay.
Aqoonyahaankaani oo waayo joog u ahaa marxaladaha
dalka ayaa waxa uu sheegay in xereynta dalka kadib ay xuroobeen
dowlado badan oo Afrikaan ah oo ku deyday Soomaaliya, waxaana
uu sheegay in halgankaasi ay kaalin weyn ka qaateen Ururadii
SYL iyo SNL.
Waqooyiga Soomaaliya ayaa bishii June ee 1960-kii
oo ay kasoo wareegatay 52 sano ka xuroobay gumaystihii Ingiriiska,
waxaana xuska maanta uu kusoo aadayaa xili ay kala maqan yihiin
Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya inkastoo hada uu wada hadalo
ay u socdaan.
Waqooyiga Soomaaliya ayaa bishii June ee 1960-kii
oo ay kasoo wareegatay 52 sano ka xuroobay gumaystihii Ingiriiska,
waxaana xuska maanta uu kusoo aadayaa xili ay kala maqan yihiin
Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya inkastoo hada uu wada hadalo
ay u socdaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com