Shirka
Ergada ee maanta iyo ajandihiisa
Shirkaani Ergada ansixinta dastuurka ayaa waxaa maanta qodobada
looga hadlayo faah faahiyay wasiirka Wasaaradda dastuurka
iyo arrimaha
federaalka Xukuumadda C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo rajada laga
qabo in la ansixiyo dastuurka.
Wasiirka dastuurka ayaa sheegay in maanta koox loo qeybin
doono Ergada si ay iskula eegaan qodobo dastuurka ku saabsan
oo shalay loo aqriyay
Ergada, isaga oo meesha ka saaray in dastuurkaani ay ku jiraan
qaladaad badan hadii ay ku jiraan la saxi doono sida uu hadalka
u dhigay.
Ergada ansixinta dastuurka ayaa waxaa laga sugayaa ansixinta
dastuurka, waxana dad badan ay saadaalinayaan in la ansixinayo
dastuurka iyaga oo u sababeynaya Ergada oo ah dad aan aqoon
wanaagsan u laheyn dastuurka.