AMISOM
oo sheegtay inay Laanta buuro ku dishay 100 dagaalyahan oo
Shabab ka tirsan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya
ayaa
dsheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee ay ku qabsadeen deegaanka
Laanta buuro ay ku dileen in ka badan100 dagaalyahan oo katirsan
kuwa
Xarakadda Al-Shabab ooku sugnaa deegaankaasi.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Capt. Henry Obbo oo ka tirsan
ciidamada
Uganda ee qabsaday deegaanka Laanta Buuro ayaa u sheegay warbaahinta
dalkiisa waxaa uu sheegay in hawlgalo ay ka sameeyeen gobolka
Sh/hoose
ay ku dileen 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa kuwa dhaq dhaqaaqa
Al-Shabab waxaana uu tilmaamay inay sidoo kale ay gacanta
ku hayaan
saanad ciidan oo Shababku adeegsanayeen.
Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan dilnay 100 askari oo
Shabab ahaa hub
fara badana waan haynaa waxaana gacanta noogu jiraLaanta buuro
iyo
deegaanada ku dhaw dhaw ayuu yiri Capt. Henry Obbo.
Sarkaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan khasaaro
ay u
geysteen dagaalyahano Shabab ka tirsan kadib markii ay habeen
Arbacada
weerar ku qaadeen deegaanka Laanta buuro oo qiyaastii 20 km
dhanka
galbeedka kaga began degmada Afgooye.
Al-Shabab willi wax war ah kama aysan soo saarin hadalkaan
AMISOM ka soo baxay