AMISOM: "waxaa bilowday
wajigii labaad ee dagaalka"
Isaga oo la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta
Afhayeenka ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga soomaaliya
Cali Aadan Xaamud ayaa ayaa waxa uu sheegay in ay soo gabagabeeyeen
dagaalada ay kula jiraan Shabaab wajigoodii koowaad ayna guda
galayaan wajiga labaad.
Cali Aadan Xaamud waxa uu sheegay in qorshaha wajiga labaad
uu yahay magaalooyinka wali ku dambeeyaan Al Shabaab sida magaalada
Kismaayo halkaasi oo uu sheegay inay kula dagaalami doonaan
islamarkaana ay ka saari doonaan sida hadalka u dhigay waxa
uu ku sheegay nabad diidka kasoo horjeeda in Soomaaliya ay cagaheeda
isku taagto.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa dagaalo culus dhaxmarayeen xarakada
Al shabaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM
dagaalkaasi oo sababay in goobo fara badan oo ay horay uga talin
jireen shabaab inay gacanta u soogashay ciidamada dowlada iyo
Kuwa AMISOM.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com