AMISOM oo oo diyaarado
ay ku dagaal gasho kasoo iibsatay Ruushka

AMISOM ayaa waxaa la sheegay in diyaarado dagaal
oo ay kula dagaalanto Al Shabaab in ay kasoo iibsatay dowladda
Ruushka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa laga
soo xigtay in Askarta AMISOM ee dhawaan qabsaday Degmooyinka
Balcad iyo Afgooye oo duleedyada ka ah Muqdisho ay sugayaan
Diyaarado dagaal oo ay kasoo iibsadeen Ruushka islamarkaana
ay doonayaan in ay horay ugu sii socdaan ilaa ay ka gaarayaan
Magaalada Kismaayo.
In ciidamada AMISOM si rasmi ah loogu wareejiyo
diyaaradaha ayaa waxa ay ku xiran tahay in laga helo ogolaashaha
QM iyo Midowga Africa si ay Diyaaradahaasi dhanka hawada uga
Caawiyaan Duulaanka lagu qaadayo Magaalada Kismaayo oo ka mid
ah goobaha Al-Shabaab uu kasoo galo dhaqaalaha ugu badan.
Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo dalkiisa
uu qeyb ka yahay Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ethiopia ay
isku afgarteen in Soomaalia iyo Wadamada kale ee geeska Africa
laga dhiga goob nabdoon oo aysan Xubnaha Al-Qaacida ee Xarakada
Al-Shabaab ka barbar dagaalama ay raad ku laheen.
Waxa aan guul ka gaarnay Howsha ilaa iyo
xad wanaagsan lkn shaqada ma aan dhaneystirin waxaan rabaa Al-Shabaab
iney fahmaan in dhamaanteen aan isku kaashaneyno sidii aan uga
xoreyn laheyn Ciida Soomaalia ayuu yiri Yuusuf Xaaji.
Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ayaa dhawaan kala
saxiixday heshiis ku aadan la wareegitaanka magaalada Kismaayo
oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com