Amnesty
Internaional oo baaq u jeedisay dowladda
U qaabilsanaha Hayadda Amnesty Internaional
ee arrimaha Soomaaliya
Kathrine achili aya waxa ay ka hadashay xadgudbyada ka dhanka
ah
Saxaafadda iyo Suxufiga taasi oo ay cambaareysay.
Waan ka xunahay hadii aanu nahay Amnesty beegsiga Saxafiga
Soomaaliyeed oo mudooyinkii dambey kusoo badanayay magaalada
Muqdisho
iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka mid ah ah, waana in talaabo
adag laga
qaadaa kuwa weerarka ku haya Saxaafadda ayey tiri Kathrine
achili .
Iyada oo hadalkeeda sii wadata U qaabilsanaha Hayadda
Amnesty
Internaional ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay
in dilalka
Wariyaasha Soomaalida ah ee sanadkaan ay aad u korortay ujeedada
laga
leeyahayna ay tahay in la aamusiyo, balse waxa ay ugu baaqday
Saxafiyiinta inay u dhabar adeegaan howsha ay u hayaan bulshada
Caalamka.
Kathrine achili ayaa waxa ay sidoo kale ka hadashay Saxafiyiin
Soomaali ah oo booliska Kenya u xiran kuwaasi oo ay sheegtay
inay ka
warhayaan ayna qeyb ka tahay xadgudubyada Saxaafadda, iyada
oo
sheegtay in Kenya ay kala hadleen sii deynta Wariyayaashaasi
iyo sidii
aan loo waxyeeleyn laheyn.
Ugu dambeyn mar waxa laga weydiiyay lambarka Soomaaliya ay
ugu jirto
aduunka marka loo eego dilalka Wariyayaasha ayaa waxa ay sheegtay
in
hada aysan qiimeyn sameyn balse waxa ay xustay in shaki uusan
ku jirin
in Soomaaliya ay safka hore ku jirto marka loo eego beegsiga
Saxafiyiinta oo ay sheegtay in aysan aheyn wax la aqbali karo.