Amnesty
oo sharci daro ku tilmaamtay xukunkii Boqor Buur-madow
Hayadda Amnesty International ee u dooda xaquuqda aadanaha
ayaa waxa ay ka codsatay Maamulka Somaliland inuu dib uga
laabto xukunkii ay ku riday Boqor Buur-madow.
War Saxaafadeed ay soo saartay Hayadda Xuquuqda Aadanaha
Amnesty International ayaa Hayadu waxa ay ka codsatay
Maamulka SoomaaliLand inuu dib uga laabto Xukun Hal Sano ah
oo Maxkamada SoomaaliLand ay dul dhigtay Boqor Cismaan Aw
Maxud Buurmadow oo mudo ku xiran Magaalada Hargesia.
Hayadu waxa ay sheegtay in horay Maamulka
Somaaliland ay ugu gudbisay Codsi ku saabsan siideynta Boqorka
balse SoomaaliLand ay ka dhaga adeegtay baaqa ay u jeediyeen.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu
sheegay in Xukunka Boqorkaasi uu ka baxsan yahay Shuruucda Caalamiga
ah islamarkaan waxaa loogu baaqay Maamulka Soomaaliland inay
ilaaliyaan Xuriyada hadalka maadaama ay ku dhaqmayaan Dimuqraadiyada.
9-kii Bishaan July ayaa Magaalada Hargeysa Xukun 1 sano ah lagula
riday Boqor Cusmaan Maxamuud kaasi oo Xabsigiisa ku qaadanaya
Xabsiga Mandheera oo 70-Km u jira Hargeysa waxaana lagu eedeeyay
inuu doonayay in uu wadahadalo ka dhax bilaabo Dowladda Soomaalia
iyo Maamulk Soomaali Land.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com