Aqoonyahan
sheegay in Musuq maasuqa Madaxda dowladda ay leedahay saameyn
adag
Mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay
dhabar jab
ku tahay Madaxda dowladda KMG Soomaaliya Musuq maasuqa lagu
eedeynayo.
Waraysi uu siiyay Websetka Warlalis Pro Yaxye Cali Ibraahim
oo ka mid
ah Aqoonyahanada Soomaaliya ayaa waxa uu si cilimeysan uga
hadlay
musuq maasuq lagu eedeynayo Madaxda sare ee dowladda oo uu
ka mid
yahay Madaxweyne Shariif.
Waxa uu sheegay uu sheegay in tani ay dhabar jab ku tahay
Madaxweynaha iyo tiimkiisa marka la eego waqtiga lagu soo
aadiyay
Warbixinta oo uu ku sheegay aqoonyahanka xili xasaasi ah.
Aqoonyahaan Yaxye Cali Ibraahim ayaa waxa uu sidoo kale sheegay
in
aduunka aysan jirin waxbixin la shaaciyo oo meel iska dhigo
balse la
dabagalayo Warbixinta oo laga daba tago oo, waxaana uu sheegay
in
xitaa hadii ay rumowdo warka QM in Maxkamad Caalami ah lasoo
taago
Madaxda dowladda.
Madaxweyne Shariif iyo Masuuliyiinta kale ee Gudiga
dabagalka QM ee
cunaqabteynta Soomaaliya iyo Eritrea uu ku eedeeyay lunsashada
hanta
ayaa dhamaantoodaba iska fogeeyay eedeymaha loo haysto.