Australia
oo u baqeysa amaankeeda.
Dowladda Australia ayaa wal wal xoogan waxa ay ka muujisay
hanjabaadyo isdaba joog ah oo maalmihii dambe soo gaarayay
kuwaas oo kaga imaanayay sida ay sheegtay kooxo argigixisayaal
ah oo qaarkood u dhashay dalka Australia .
Heyadda ASIO magaceeda loo soo gaabiyo oo ah heyadda
sirdoonka dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii
dambe ay aad u soo bateen helista macluumaad la xiriira in
dalka Australia ay ka dhici rabaan qaraxyo kuwaas oo ay geesanayaan
shaqsiyaad u dhashay dalka australia oo tababarro ku soo qaatay
dalka somalia kana soo bar bar dagaalamay xarakada al shabab
kuwaas oo uu sheegay inay dib ugu soo laabteen dalka Australia
.
Heyadda ASIO oo sirdoonka dowladda Australia qaabilsan
ayaa sheegtay in dad badan oo u dhashay dalka Australia ay
yihiin kuwo haatan ku sugan wadamada ay xasaraduhu ay ka jiraan
ku sugan oo somalia ka mid tahay.
Shaqaalaha heyadan oo ku sugan wadamada caalamka ayaa
heyaddu waxaa ay sheegtay inay soo sheegayaan suurto
galnimada falal argigixisinimo ah oo dalka Australia ka dhaca
Dowladda Australia ayaa marar badan muujisay walaac ku aadan
in dalkeeda ay ka dhacaan falal argigixisinimo ah.