Muwaadhin
Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Australia Dab ka dhacay Hoygooda.
Muwaadin Soomaaliyeed oo dadiisa lagu sheegay 18 sano
jir ayaa ku
geeriyooday hooyadiisna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii
uu dab ka
kacay guri ay ka daganaayeen Albany ee galbeedka wadanka Australia
Sida ay ku waramayaan warbaahinta wadanka Australia.
Geerida wiilkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed
ee wadanka
Australia ayaa timid kadib markii ay qaraxday haanta lagu
keydsado
Gaaska raashinka lagu karsado.
Saraakiisha ciidamada dab damiska iyo shaqaalaha gurmadka
ayaa sheegay
in hooyada dhashay wiilka geeriyooday oo guriga ku godoontayiyadoo
dhaawac ah laga soo saaray haddana lagu dawynayo isbitaalka
Royal
Perth Hospitalu la yiraahdo.
Hooyadaan 58 sano jir ah oo ayaa wararku sheegayaan inay xaalad
adag
ku jirto hawl wadeenada Isbitaalkaasna ay ku wadaan baxnaanin.
Lama shaacin magacyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waxyeeladu
kasoogaartay dabka xalay ka kacay gurigii ay ka daganyihiin
wadankaasi
Australia.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen qarax
xoogan
oo guriga ka dhex dhacay kadibna uu holac iyo uuro ayaa ka
kacay
guriga
Soomaali badan oo qaxooti ah oo ka cararay dhibaatadda Soomaaliya
ka
jirta ayaa ku nool wadanka Australia