Baaritaanada ka dhacay
Muqdisho iyo Hayadda dambi baarista oo ka hadashay
Taliyaha Hayadda dambi barista ee CID C/laahi
Xasan Bariise ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay baaritaan
ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada
Muqdisho iyo sidoo kale baaritaanadii lagu soo qabtay dadka
badan ee ka dhacay de
Bariise ayaa sheegay in ciidamadooda baaritaanada
ay ka sameeyeen Wadajir lagu sugayay amaanka islamarkaana dad
badan lagu soo qabtay xili degmada Wadajir ay kusoo bateen falalka
amni daro ee ka dhaca.
Isaga oo hadalkiisa sii wata Taliyaha hoggaanka
dambibaarista CID-da C/llaahi Xasan Bariisay ayaa waxa uu tilmaamay
in baaritaano lagu sameynayo dadkii shalay lagu soo qabqabtay
howlgadii ay ciidamada ka fuliyeen dagmooyinka Yaaqshiid iyo
Hiliwaa waxa uu xusay in 97 ruux oo ka tirsan dhalinyaradii
shalay lagu sooqabtay howlgalka lasiidaayay kadib markii lagu
waayay wax dambi ah.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay socdaan baaritaano
kala duwan lana kala saarayo shaqsiyaadka ku lugta leh kooxda
shabaab iyo dadka aan waxba galabsan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com