Dowladda oo la wareegtay
degmada Balcad

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka
heleya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab ayaa waa ay la wareegeen saaka
magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Iyadoo uusan dhicin wax
dagaal uu dhiig uu ku daatay.
La wareegitaanka ciidamada dowladda iyo AMISOM
ee magaalada ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab
ay isaga baxeen halkaasi sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal
ah.
Gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u badan oo ah kuwa
dowladda iyo AMISOM oo wada socda ayaa magaalada galay kuwaasi
oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada degmada, iyadoo ilaa hada aysan
cadeen halka ay qabteen Shabaabkii ku sugnaa Balcad.
Al Shabaab ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hase
ahaatee Saraakiisha dowladda ayaa waxa ay sheegayaan in ay kusoo
jeedaan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com