Barakacayaasha
oo wali xaalado abaareed ka cabanaya
Qoysaska barakacayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in wali ay
ku dambeyso
abaartii sanadkii hore ku dhufatay Soomaaliya.
Iyadoo sanad ay kasoo wareegatay markii QM ay ku dhawaaqday
in ay
meesha ka baxday abaartii ka jirtay Soomaaliya ayaa waxaa
wali
dhibaato dhinaca nolosha ah ka cabanaya barakacayaasha Soomaaliyeed
gaar ahaan kuwa Muqdisho.
Qaar ka mid ah barakacayaasha xeryaha magaalada Muqdisho ayaa
waxa ay
sheegeen in wali ay dareemayaan dhibaatooyin adag oo ay sababtay
abaartii ku dhufatay dalka, waxaana ay ka codsadeen QM maadmaa
ay wali
taagan tahay baahidooda inay usoo gurmadaan.
Warkaani waxa uu imaanayaa xili la guda galay bisha barakeysan
ee
Ramadaan oo qoysaska danta yar ay u baahan yihiin kaalmo ay
kaga
gudbaan bishaani.