Shabaab
baxsad ah oo lagu xiray Gaalkacyo
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug
dhinaceeda Waqooyi ayaa sheegaya in rag badan oo ka tirsan
Al Shabaab oo ka baxsaday dagaalada ka soconaya koofurta Soomaaliya
lagu qabtay halkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac
Tigeey ayaa tilmaamay in howlgalo ay ciidamada maamulka ka
sameeyeen waqooyiga magaalada ay ku soo qabteen rag falal
amni darro ah ku lug lahaa oo al-Shabaab xiriir la leh kuwaasi
oo uu sheegay inay kaga yimaadeen koofurta dalka.
Tigeey ma uusan sheegin tirada dadka ku xiran waqooyiga oo
ay Puntland ka tiliso iyo koonfurta oo Galmudug ay ka taliso,
balse waxa uu xusay inay wada-shaqeyn xagga ammaanka ah la
leeyihiin
Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland
ayaa beeniyay warar ay dadka isla dhexmarayeen oo sheegayay
in xubin ka tirsan ururka Xisbul Islaam lagu qabtay waqooyiga
magaalada Gaalkacyo.
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa ku xoogeysanayay mudooyinkii
dambe deegaanada Puntland iyaga oo hada maamulo buuraleyda
Galgala halkaasi oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada
Puntland.