Shabaab
oo ka fakaraya halkii ay u baxsan lahaayeen.
Sida uu ku waramay wargeyska the Washinton post ee ka soo
baxa magalada caasida ee Washinton saraakiisha sarsare ee
xarakada Alshabab gaar ahaan kuwa aan Somalida ahayn sida
Cumar Shafiiq Xamami oo loo yaqaan Abuu Mansoor Al-Amriki
ayaa wali la tacaalaya halkii ay qaban lahaayeen kadib markii
ay gacantooda ka baxday magaalo dekadeedkii Kismayo islamarkaana
ay taladoodu ku soo hartay qeybo kooban oo ka mida gobolada
koofured ee wadanka Somaliya.
Ilaa iyo sanadkii 2011 dii Alshabab waxaa ay la kulmayeen
dib u dhac weyn oo ku yimaaday ialahooda dhaqaalaha, taageeradii
shacabka, iyo hoos u dhac ku yimid sidoo kale dagaalyahanada
u badan caruurta oo ay dagaalada u adeegsanjireen, taasina
waa waxa sababay in marba magaalo ay lumiyaan, sidaasi waxaa
yiri Jey Peter Pham oo ah agaasimaha Golaha lagu magacaabo
Atlantic council ee fadhigoodu yahay wadanka Mareykanka.
Jay waxaa uu xusay in qaar farabadan oo ka tirsan saraakiisha
sarsare ee xarakada Alshabab ay ka fakarayaan sidii ay naftooda
u la baxsan lahaayeen badalkii ay abaabuli lahaayeen dagaalo
iyo isku dayo horleh oo ay ku soo ceshanayaan dhulfarabadan
oo gacantooda awood looga maroojiyay, ragaasi waxaa ka mid
ah ayuu yiri Cumar Shafiiq Xamaami oo loona yaqaano Abuu Mansoor
Alamriki ,
Abuu Mansoor oo mar fariin uu soo dhigay boga Yutubeka ku
sheegay in nafasdiisa ay qatar ku jirto sababa la xariiro
is maandhaaf soo kala dhexgalay isaga iyo dagaalyahanada kale
ee ka tirsan xarakada Alshabab ayaa la sheegay in wali uu
ku suganyahay gudah wadanka Somaliya qeybaha ay ka joogaan
shababka.
Wargeyska the Washinton post ayaa tilmaamay in intabadan
saraakiisha dagaalada ee Somalida iyo kuwa aanan Somalida
ahaynba aya haatan ku sugan yihiin keymaha gobolada koofureed
ee Somaliya, lkn wargeyska ayaa tilmaamay in ragaasi aysan
duurka ku sii jiri doonin oo si kumeelgaara ay u gabaadsandoonaan,
wadamo ay ka mid tahay Yemen iyo Eritrea ayuu sheegay wargeysku
in ragaasi ay doonyo u raaci doonaan halkaasi oo ay ku leeyihiin
buu yiri saxiibo kale oo ka tirsan Alqacidada jazeerada Carabta
ee layiraahdo Arab penzila.