Beesh Direed oo soo dhowaysay
Musharaxa Avv. C/raxmaan C/shakuur Warsame
Kulan aay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho
odayaasha dhaqanka Beesha Direed waxay ku soo dhoweeyeen Musharaxa
xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya Avv C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Odayashaan oo ka mid ahaa ergooyinka Beesh Direed
ee u metelaya Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku xaraysan
ayaa sheegay in Avv C/shakuur uu yahay ninkii marxaladan mootin
lahaa ummadda soomaaliyeed .
Odayaasha ayaa sheegay in ay ahayd markii ugu horaysay ee ay
la kulmaan musharax xilka madaxweynenimada u taagan, iyagoo
sheegay in ay sharaf u tahay in ay taageeraan ruux ay yaqaanaan
oo ay ehel yihiin, islamarkaana xeerin kara danaha Soomaaliyeed
iyo tan dadka ay matalaan.
Odayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday in xiligan loo baahanyahay hogaamiye
dhiirran, karti iyo dadnimo leh, islamarkaana haysta taageerada
dadkiisa, iyadoo guul u rajeeyey musharaxa.
Avv C/raxmaan C/shakuur oo ay saaxiib dhow ahaan
jireen Sh. Shariif ayaa maalmahaan ku hawlan kulamo joogta ah
oo uu la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo haatan
u muuqda musharaxa ugu cad cad ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com