Booqashadii raisulwasaraha
ee Balcad iyo waxii ka yiri halkaasi

Wafdi uu hogaaminayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya,
Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad
ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga
dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta
Degmadaasi
Raiisul Wasaare Dr. Cabdiweli, waxaa booqashadiisa
Degmada Balcad ku wehlinayay qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada,
Saraakiil iyo waliba Saxafiyiin goobta loo qaaday.
Raiisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dadweynihii
reer Balcad si heer saro ah ugu soo dhaweeyay.Iyagoona ka muuqatay
farxad iyo hididaalo nabadeed in ay heleyn.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe, Cabdi
Jiinoow Calasow, ayaa war bixin ka siiyay Raiisul Wasaaraha
Jamhuuriyadda Soomaaliya howlgaladii ay maanta kula wareegeen
degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe.
Mudane Raiisul Wasaare, maanta waxaa
noo farxad ah inaan kugu soo dhaweyno Degmada Balcad oo ah degmadii
ugu horeysay ee gobalka Shabeelada hoose ee laga xoreeyay gacantii
cadowga ee Al-Qaacidda, waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta
inoo tahay maalin ciid maadaama 26,June aan u dabaal dageyno
xorminadii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyo maanta oo aan
xureyney Degmada Balcad oo iyadana ah maalin aan u dabaal dageyno
labadaasi farxadood.
Wuxuu sidoo kale sheegay in guusha maanta la gaaray
ay hormuud u yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo
kuwa AMISOM.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli
ayaa isna Saxaafadda kula hadlay goobta,
Wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi
ah waayo waa 26,June oo aheyd maalintii ugu horeysay ee geyiga
Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya islamarkaana ay aheyd
maalintii ay xornimada qaateen Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya,
Sidoo kale waxaa farxad labaad inoo ah in maanta
Degmada Balcad laga xureeyay nimankii sharwadayaasha ahaa ee
Al-Shabaab, Waxaana mahadaa iska leh Ciidamada Xoogga dalka
Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waa
kuwa difaacaya dalka oo muujinayo wadaninimo iyagoo waliba aan
ognahay iney ku shaqeyaan oo ku dagaalamaya daruufo adag laakiin
taasi wax caqabad ah kuma noqon marka hore ayayba u diyaar garoobeen
iney dalkooda difaacaan oo ay xornimo u horseedaan.
Raiisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa sidoo
kale xusay in maanta ay farxad weyn u tahay in uu imaado Degmada
Balcad maadaama markii iigu dambeysay uu yimid Sanadkii 1983
oo uu jaamacadda Soomaaliya ka qalin jabinayay waxaan marka
ku faraxsanahay inaan 31 sano kadib ku soo laabto degmada Balcad
ee gobalka Shabeelada Dhexe .ayuu yiri
Ugu dambeyntii Raiisul Wasaaraha Soomaaliya
ayaa dadweynaha u sheegay in ay soo dhowaatay dowladnimadii
taamka aheyd ee Soomaaliyeed oo aan ka baxeyno KMG sidii lagu
yiqiinayna Soomaaliya meeshey joogtay la gaarsiiyo, taana waxaa
lagu gaari karaa wada jirkeena,
Midnimadeena, waxaana la gaarayaa 26,June ee soo
socta Soomaaliya oo meel walba xor ah oo ay dowladd taam ah
yeelatay, Waxaana Shacabka ula dardaar mayaa in ay la shaqeeyaan
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayna garab istaagaan Ciidankooda
taas ayaan ku gaari karnaa in dalka intiisa kale la xureeyo.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com