Burcadbadeed
soomaaliyeed oo maxkamadeentooda ay ka bilaabatay Dalka Holan
Maxkamad ku taala magaalada Rotterdam ee dalka
Holland ayaa xukun xabsi ah ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed
oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda
Soomaaliyeed ee ka qawlaysta biyaha Soomaaliya.
Dacwad oogayaasha maxkamad ayaa sheegay in dhalinyaradaan
Soomaalida ah oo gaaraya 9 ruux inay sanadkii hore biyaha
Soomaaliya ka qafaasheen doon nooca lagu kaluumaysto ah oo
dalka Iran laga leeyahay.
Gudoomiyaha maxkamada magaalada Rotterdam oo la yiraahdo :
Annette Birschel ayaa ku dhawaaqay in dhalinyaradaan ay ku
xukuman yihiin min 4 sano iyo 6 bilood oo xarig ah taasoo
ay ku mutaysteen afduubka ay sameeyeen sida gudoomiyuhu yiri.
Burcad badeeda ay ka tirsan yihiin kooxdaan aanu hadda
maxkamadaynayno waxay halis ku yihiin amaanka gaadiid badeedka
iyo dadka badaha ku safra ayuu yiri : Annette Birschel.
Sagaalkaan ruux ee Holland lagu maxkamada lagu soo taagay
ayaa lagu eedeeyay inay sanadkii hore qafaasheen doon kaluumaysi
oo Iran laga leeyahay ayna la socdeen 14 oo Iraaniyiin ah
kuwaasoo ay halis naftooda galiyeen.
Wakaaladda wararka Dutch,ka ee DPA ayaa ku waramaysa in dhalinyaradaan
Soomaaliyeed ay qaarkood maxkamada ka hor sheegeen inaysan
burcad badeed aheyn
Dhinaca kale kale koox ka tirsan burcad badeeda Soomaaliya
ayaa maanta sii daayay markab nooca xamuulka qaada ah oo laga
leeyahay dalka Gariiga kadib markii ay lacago madax furasho
ah ka qaateen.
Wararku waxay sheegayaan in markabkaan oo lagu magacaabo Free
Goddess oo ay la socdaan 21 ruux oo shaqaale ah kuwaasoo badankood
u dhashay dalka Filibiin.
Nin magaciisa ku sheegay Garaad oo taleefoonka kula hadlay
wakaaladda wararka ee Reuters asagoo ku sugan magaalada Garacad
ee deegaanadaPuntland ayaa sheegay inay markabkaasi ka qaateen
lacago madax furasho ah oo dhan 5.7 million oo Dollarka Maraykanka
ah.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaadkii hore sidaan oo
kale sii daayay markab Giriiga laga leeyahay kadib markii
ay madax furasho ka qaateen.