Shabaab
oo ka baxay Buur-hakaba
Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa
sheegaya in
Al Shabaab ay isaga baxeen degmadaasi sida ay sheegayaan dad
deegaanka
oo ka gaabsaday magacyadooda sababo dhinaca amaanka.
Ka bixitaanka Shabaab ee degmada Buurhakaba ayaa waxa ay
ka dambeysay
kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee qabsaday
dhawaan
degmada Walaweyn ay ku baxeen wadada aada degmadaasi.
Ciidamada iyo Saraakiisha Shabaab oo ka war helay in lagu
soo wajahan
yahay ayaan ilaa hada la ogeyn halka ay ka baxeen hase ahaatee
waxa ay
wararku sheegayaan inay dhaqaaqeen meelo ay ka mid ah tahay
degmada
Diinsoor.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab iyo sidoo kale
Saraakiisha
dowladda oo ku aadan ka bixitaanka Shabaab ee magaalada Buurhakaba.
Al Shabaab ayaa waqtiyadii u dambeeyay ka baxayay magaalooyin
badan oo
ay maamulayeen iyaga oo aan ku dagaalamin.