Caalin
oo dhexdhexaadin ka dhex wada Galmudug
Maxamed Axmed Caalin wali aaminsan yahay inuu yahay Madaxweynaha
Galmudug oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu
sheegay in uu tagay magaaladaasi sidii uu dhexdhexaadin uga
dhex bilaabi lahaa khilaafka u dhaxeeya Galmudug.
Caalin ayaa sheegay in mudadii u xanuunsanaa oo uu ka maqnaa
Gaalkacyo uu dhacay qaladaad badan iyadoo oo laga faaideysanayo
xanuunkiisa kuwaasi oo uu sheegay in hada uu doonayo in uu
saxo, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashadii
Madaxtinimada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in hadii uu ka dagayo xilka
in loo baahan yahay inay dhacdo xil wareejin iyo doorasho
rasmi sida sharciga uu qabo taasina waxa uu sheegay in sidii
ay u qabsoomi lahayd uu dadaal ugu jiro islamarkaana uu wadatashiyo
la yeelanayo Odayaasha iyo Waxgaradka Galmudug.
Khilaafka Galmudug ayaa sii xoogeysanaya kaasi oo meesha
ka saaray amniga deegaanada Maamulka oo mudooyinkaani sii
xumanaayay.