Madaxweyne Caalin oo wadanaha
laga qabtay

Mid ka mid ah Saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa waxaa
lagu sameynayaan qaliin dhinaca wadanaha ah kadib markii wadanaha
laga qabtay.
Warar hoose oo helayo Websetka Warlalis ayaa sheegaya
in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxed Axmed Caalin ay
soo wajahday xaalad caafimaad daro kadib markii wadanaha laga
qabtay isaga oo ka qeyb galayey Shirka burcad badeeda ee Dubai.
Mid ka mid ah Xoghayeenada Madaxweyne Caalin ayaa
si hoose ugu sheegay Websetka in Madaxweyne Caalin ay xaaladiisa
xun tahay oo ku jiro Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai si qaliin
dhinaca wadanaha ah loogu sameeyo.
Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa ay wadaan dadaal
xooggan oo ay kula tacaalayaan xaaladda caafimaad ee Madaxweyne
Caalin.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com