Wafdi ka socda Midawga
yurub oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho lana kulmay Raisulwasaare
Cabdiweli iyo Xildhibaan kamid ah Musharixiinta Madaxweynanimada
Soomaaliya....


Wafdi heer sare ah oo ka socda Midawga Yurub ayaa
shalay gaaray Magaalada Muqdisho, waftigaas ayaa Garoonka magaalaad
muqdisho kula kulmay Raisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi weli iyo
Xildhibaanka ah Musharax ka mid ah musharixiinta Madaxtinimida
Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waftiga ayaa markii ay soo gaareen Garoonka Magaalada
muqdisho waxaa ay isla markiiba u direen gawaardida qafilan
ee aan Xabaduha karin Xildhibaan Cabdiraxmaan oo dhowaan ku
dhawaaqay inuu Musharax u yahay Madaxweynanimada Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah ruug cadaa siyaasadeed
dawladihii dalka soo maray sanidihii la soo dhaafay ka qabtay
jagooyin Wasiirnimo, Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa iska casilay
Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo uu ka hayay
xukuumaddii Raisulwasaare Cumar Cabdirashiid kadib marka uu
sheegay inuu la shaqeyn kari waayey Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa lagu sheegay mid lumiyay
saaxiibo badan oo gacan ka geystay kursiga uu maanta ku fadhiyo,
iyadoo xiligii uu xukunka dalka hayay ay dalka ka dhacday Musuqmaasuq
baahsan.
Waftiga shalay gaaray Magaalada Muqdisho oo la
kulmay Raisulwasaare Cabdiweli iyo Musharaxa Madaxweynanimada
Soomaaliya Xildhibaan Cabdirahmaan Cabdishakuur ayaan la shaacin
waxyaalihii ay ka wada hadleen,kulanka ayaa ahaa mid albaabadu
u xirnaayeen labada siyaasi midba mar la qaabilay.
Waftiga ayaa dib ugu laabtay Magaalada Nairobi
ee Dalka Kenya kadib kulankaa ay la qaateen Cabdiweli iyo Cabdiraxmaan
cabdishakuur.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com