C/qaadir Jiiroow oo ku
geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa Isbitaalka Banaadir
ee magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday xili dambe C/qaadir
Jiiroow Sharmaarke oo mar soo noqday Agaasimihii Idaacadii
Horn Afric.
Jiiroow ayaa maalmihii u dambeeyay xanuusanayay
oo waxaa haysay xaalad caafimaad daro sida ay inoo sheegeen
Dhaqaatiirtii ku howlaned xaaladiisa caafimaad.
Maamulada iyo dhaqaalaha Warbaahinta Soomaaliyeed
ayaa waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada, asxaabtii
iyo Dhamaan Umada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday rug cadaagii
bahda Saxaafadda MR C/qaadir, waxaana ay leeyihiin allaha u
naxariisto oo janada haka waraabiyoo.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan maydkiisa
laga qaado Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo la aaso,
iyadoo ka qeyb galka aaskiisa ay isku diyaarinayaan dad badan
oo Saxafiyiinta ay ka mid yihiin.
C/qaadir Jiiroow Sharmaarke oo hada ka shaqeynayay
Idaacadda Mustaqbal ayaa waxa uu kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho
xiligii dowladii Milatariga, isaga oo sidoo kale soo noqday
Agaasimihii Idaacadii ay Shabaab bililiqeysteen ee Horn Afric.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com