Shabab
waa isku mid xasan shiikh iyo madaxdii hore
War saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Xarakadda Al-Shabab
Sh, Cali Maxud Raage Cali Dheere ayaa waxaa uu ku tilmaamay
doorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho mid ay wateen
gaalo is bahaysatay sida uu yiri kuwaasoo wata qorshayaal
gooni ah oo ay Soomaaliya ka leeyihiin.
Sh, Cali Dheere waxaa uu xusay inay qaadaceen sida doorashadu
u dhacday waxaana uu tilmaamay in M/weynaha cusub uu yahay
shaqsi ay wataan dad dano faraha badan Soomaaliya ka leh.
Dad cadaw ku ah diinta Rabbi ayuu Cali dheere sheegay inay
wadeen ol ololkihii lagu doortay M/weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Prof Xasan Sh, Maxud.
Ma jirto wax aynu soo dhaweynayno waa wax cadawgu wato
ayuu ku yiri war saxaafadeedkiisa
In laga guulaysto Sh, Shariif Sh, Axmed ayuu ku tilmaamay
Sh, Cali dheere wax la isla ogaa kadib markii laga dan gaaray
Sh, Cali Dheere ayaa war saxafadeedka uu soo saaray waxaa
xusay in halkoodii ay kasii socon doonaan dagaalada ay kula
jiraan ciidamada dawlada iyo taagerayaashooda AMISOM.
Al-Shabab loogama baran inay taageeraan ama ay soo dhaweeyaan
M/weyne la doortay hase ahaatee Xildhibaanada baarlamaanka
Soomaaliya ayaa si buuxda Xasan Shiikh u doortay inuu noqdo
Mweynaha Soomaaliya mudada 4 sano ah ee soo socota