Ciidamo dheeri ah oo loo
soo dirayo Somaaliya
Ciidamo tiradoodu kor u dhaafayso saddex kun oo
askari oo ka socota waddanka Uganda ayaa filayaa inay yimaadaan
Somalia kadib marka ay dhalato dawladda cusub.
Sida laga soo xigtay Saraakiisha dowladda Uganda 3,237 askari
oo katirsan ciidamada Uganda oo tababar loo soo gabagabeeyay
ayaa waxaa lagu wadaa in loo soo diro dalka soomaaliya si ay
ugu biiraan ciidamada AMISOM ee midowga afrika kuwaasoo taaageera
dawladda KMG Somalia.
Taliyaha ciidamadani levy karuhanga oo khudbad u jeediyay askarta
ayaa waxa uu sheegay in ciidamada lasoo dirayo bisha agoosto
kadib marka ay dhalato dawladda cusub ee Somalia isaga oo sheegay
in Alshabaab ka saari doonaan gudaha dalka Somalia.
Ciidankani oo tababar loogu soo gabagabeeyay xerada singa ee
Kampala ayaa waxaa tababaray saraakiil isugu jirta ingiriis
iyo faraansiis, waxaana lagula dardaarmay in meel kasto oo ay
qabsadaanay ka suraan calanka Uganda si ay u muujiyaan halkaay
ka socdaan.
Tirada ciidamada AMISOM ayaa soo kordheysa, iyadoo dowlado kale
oo ka mid tahay Serelion ay shaaca ka qaadeen in ciidamo ay
usoo dirayaan Soomaaliya
Xaafiiska Wararka Warlalis.com