Ciidamo
hor leh oo kusoo wajahan xeebaha Soomaaliya
Dawlada Iraland ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo si gaar ah
u tababaray ay u soo dirayso xeebaha Soomaaliya si ay uga
qeyb qaataan hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida
War lagu qoray wargeyska Irish Times oo ka soo baxa magaalada
Dublin ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran
ay u soo dirayaan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ka mid noqonaya
ciidamada midawga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan.
War kasoo baxay wasaradda gaashaandhiga Ireland ayaa waxaa
lagu sheegay in guuto ka tirsan ciidamadooda badda gaar ahaan
guutada la yiraahdo 30 Rangers inay dhawaan ku soo wajahan
yihiin xeebaha Soomaaliya isla markaana ay si buuxda ula dagaalamayaan
burcad badeeda Soomaaliyeed.
Ciidamadaan ayaa sidoo kale la sheegay inay la shaqeyn doonaan
ciidamada badda Soomaaliya .
Golaha wasiiradda xukuumada Ireland ayay wararku sheegayaan
inay ansixiyeen in ciidamadaan loo soo diro Soomaaliya si
ay qeyb uga noqdaan ciidamada la dagaalanka burcad badeeda.
Dalka Irealand oo ah mid wadan ku yaala waqooyiga qaaradda
Yurub kana goday dal weynihii Ingiriiska ayaa dhawr
jeer soo hadal qaaday arrimaha burcad badeeda Soomaaliyeed.