Ciidamo kale oo Jabuuti
ah oo la sheegay inay gaareen Hiiraan

Iyadoo Madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in ciidamo
kale ay usoo dirayaan Soomaaliya ayaa ciidamo kale oo ka mid
ah wadankaasi waxaa la sheegay in ay gaareen dalka Jabuuti.
Gudoomiyaha amaanka gobolka Hiiraan ee dowladda
Axmed Cismaan Inji ayaa waxa uu sheegay isaga oo la hadlayay
Warlalis in ay soo gaareen ciidamo iyo Saraakiil hor leh oo
ka socda dowladda Jabuuti magaalada Baledweyne si ay ugu biiraan
ciidamo kale oo horay ugu sugnaa magaalada kuwaasi oo qeyb ka
ah howlgalka AMISOM, isaga oo sheegay in ujeedka ciidamada ay
yihiin sugida amniga gobolka iyo ladagaalanka Al Shabaab.
Axmed Inji ayaa ku sheegay Waraysiga in baritaano
ay sameyeen ciidamada amaanka ee gobolka ay kusoo qab qabteen
waxyaabo qarxa oo lagu sameynayey xaafadaha kala duwan ee magaalada
Baledweyne isagoona intaa ku daray in amaanka magaalad Beladweyne
uu yahay mid aad u wanaagsan mudooyinkii danbe
Ciidamadaani la sheegay in ay gaareen Baledweyne
ayaa waxa uu imaanayaa xili magaalada ay ka dhacaan dilal, qaraxyo
iyo dagaalo soo laalaabtay oo Maamulka gobolka ee dowladda wax
uu ka qabtay aysan jirin.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com