Dagaal
dhinaca badda ee Kenya oo sharci daro lagu tilmaamay
Wakiilka dawlada Ingiriiska u fadhiya golaha amaanka ee Q,M
Mark Lyall Grant oo ka hadlayay hawlgalka ay ciidamada Kenya
ka wadaan gudaha Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay
duqeymaha ay Soomaaliya ka geystaan maraakiibta dagaalka ee
Kenya waxaana uu xusay in maraakiibta Kenya aysan qeyb ka
aheyn hawlgalka midawga Africa ee AMISOM la yiraahdo.
Danjire Mark Lyall Grant ayaa sheegay inay u arkaan hawlgalka
ay maraakiibta Kenya ka wadaan biyaha Soomaaliya mid aan sax
aheyn isla markaana sharci darro ku noqon karta hawlgalka
AMISOM.
Safiirka Ingiriiska ee Q,M waxaa uu xusay inay jiraan dhibaatooyin
ka dhashay gantaalo ay maraakiibta dagaalka Kenya ka geysteen
magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda oo uu sheegay in ay ahaayeen
kuwa xad gudub ku ah qaanuunka caalamiga.
Golaha amaanka ee Q,M ayuu danjiruhu xusay inaysan ka war
qabin in hawlgalka AMISOM ku jiraan maraakiibta dagaalka hase
ahaatee ay og yihiin in ciidamada lugta gudaha usoo galaan
Soomaaliya.
Sidaan ognahay maraakiibta dagaalka Kenya kama mid
aheyn qorshihii ay Kenya AMISOM uga mid noqotay waxaana ognahay
inay tacadiyo geysteen oo dad rayid ah dileen ayuu yiri
danjiraha Ingiriiska u fadhiya Q,M Mark Lyall Grant.
Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaalada
ay Shabab kula jiraan waxaa ka qeyb qaata diyaaradahooda iyo
maraakiibtooda dagaalka.
Duqeymaha Kenya Soomaaliya ka geysteen waxaa ku waxyeeloobay
dad badan oo rayid ah oo aan dagaalada wax lug ah ku laheyn.