Dagaal ka dhacay Deegaanka
Abal oo 20/KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wararka naga soo gaarayay degaanka abal ee 20
KM ujirta degmada xudur ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan
in uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidanka dowlada
ee ku sugan gobolka bakool oo kaashanaya kuwa Ethopia iyo dhaqdhaqaaqa
Al Shabaab.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu sababay in ay geeriyoodaan sideed ruux
oo kamid ahaa dhinacyadi halkaasi ku dagaalamay .
Gudoomiyaha Gobolka Bakool ee dowlada Maxamed Cabdi Tol ayaa
waxa uu sheegay in ay weerar ay ku qaadeen deegaanka abal oo
ay shabaabku isku urusaneyeen mudooyinkii ugu danbeeyay.
Deegaanka Abal ee dagaalka uu maanta ka dhacay waa halka uu
ku dhashay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xubin sare ka
ah dhaq dhaqaaqa Al shabaab
Xaafiiska Wararka Warlalis.com