Midawga
Africa oo QM ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta
dhanka hubka
Ururka Midawga Africa ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee
Q,M in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran
mudada si ay u suurto gasho in la qalabeeyo ciidamada dawlada
Soomaaliya.
War murtiyadeed laga soo saaray xarunta ururka Midawga Africa
ee magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in golaha
amaanka la weydiisanayo inay cuna qabateyn hubka ee saaran
Soomaaliya laga qaado si u dhacdo in qalab wanaagsan iyo agab
ciidan oo dhameystiran ay heelaan ciidamada dawlada Soomaaliya
oo hadda hawlgalo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab ka wada gobolada
Soomaaliya qaarkood.
Ururku waxaa uu sheegay in hadda Soomaaliya ay ka jirto ififaalo
nabadeed oo ka dhalatay dadaalka ay sameeyeen ciidamada dawlada
iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM haatana loo baahan yahay
in la qaado tilaabooyin muhiim oo dadaalkaasi lagu sii xoojinayo.
War murtiyadeedka Midawga Africa kasoo baxay waxaa lagu sheegay
in ciidamada dawlada Soomaaliya ay u baahan yihiin agab ciidan
si ay ugu guulaystaan sugida amaanka.
Waxaa hadda muhiim ah in 15 xubnood ee Q,M ay Soomaaliya
ka qaadaan cuna qabateynta hubka ee saaran si ciidamada Soomaaliya
ay fursad ugu helaan sugida amaanka dalka oo dhan ayaa
lagu yiri war murtiyadeedka kasoo baxay xarunta midawga Africa
ee Addis-Ababa.
War sidoo kale laga soo saaray xafiiska danjiraha ururka Midawga
Africa u fadhiya golaha amaanka ee JQM ayaa waxaa lagu sheegay
in beesha caalamka la weydiisanayo inay ka qeyb qaataan dib
u dhiska Soomaaliya nabadana lagu soo celiyo.
Ururka Midawga Africa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo fara
badan oo boolis iyo militry iskugu jira kuwaasoo dawlada Soomaaliya
ka caawiya dagaalada ay Al-Shabab kula jirto iyo sugida amaanka.
Dawladii ku meel gaarka aheyd ee uu hogaamiyay Sh, Shariif
Sh, Axmed ayaa dhawr jeer Q,M ka dalbatay in cuna qabateynta
dhanka hubka ah laga qaado Soomaaliya.
Q,M ayaa Soomaaliya cuna qabateynta hubka dul saartay sagaashamaadkiii
markaasoo ay bur burtay dawladii dhexe