Dhaqangalinta Roadmap-ka
oo la isku khilaafsan yahay (Warbixin)
Baabiinta awoodii uu axdiga siiyay baarlamaanka,
kala diristii gudiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurka IFCC
iyagoon howshooda dhameysan iyo ka hor istaaga Odayaasha la
shirayay in wax goaan ah ay ka gaari karaan waxa hada
socda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka intuba waa astaamo
muujinaya in kooxda Saxiixayaasha ay wataan ajando iyaga u gaar
ah wax dul qaadna aanay u haynin cid soomaali ah oo soo faragelin
karta.
Waqtiga ka haray soo gabogabeynta xiliga KMG ah
waxaa hada ka haray in ku dhow bil iyo bar waana waqti aad u
yar marka loo eego howshii la doonayay in la qabto oo dhamaanteedba
kala dhantaalan.
Waxaana muuqda khilaafyo mararka qaar ka qota
dheer is haysadkii hore oo arimo muhiim ah oo quseeya Qaran
nimada soomaaliya salka la galaya waxa ka mid ah arinta dastuurka.
Gudiyadii diyaarinta dastuurka waxaa ay sheegayaan
in kii ay diyaarinayeen 8-dii sano ee lasoo dhaafay la laalay
laguna badalay mid ay saxiixayaasha qorteen iyagoo danohooda
waafajiyay.
Maxaa ka baan dastuurka ay saxiixayaasha
qorteen welina aad looma falanqeyn waayo waxa uu muran ka taagan
yahay dastuur ahaantiisa laakiin qodobadii ugu horeeyay ee laga
arkay waxa laga waayay halka ay tahay caasimada soomaaliya Maxamed
Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha loo gudbiyay dastuurka ayaa
waxa uu qabaa in dastuurkan uu yahay mid aan soomaali u qalmin
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur
(tarsan) ayaa qaba in inkiraada caasimad nimada Muqdisho ay
muujineyso in dastuurkaan uu yahay mala abaal oo kii saxda ah
la tuuray.
Maamulka Puntland oo ka mid ah saxiixayaasha ayaa
arinta caasimada ku sifeeyay mid ka mid ah ajandayaasha u baahan
in laga heshiiyo oo aan muqadas laga dhigi karin sida uu sheegay
Cabdi Shakuur Mire Aadan oo ah wasiir ku xigeenka howlaha guud
ee Puntland.
Dooda ka imaaneysa dastuurka ma aha wax ay waqti
u hayaan in ay dhageysataan saxiixayaasha waayo waxayba aminsan
yihiin in ansixintiisa aan cid kale looga baahaneyn waxaana
fikradaasi qaba Madaxweynaha Puntland Faroole.
Hadaba maxuu yahay doorka ay leeyihiin Odayaasha
dhaqanka ee lagu shiriyay muqdisho waa dood taagan oo lagu jahwareersan
yahay waayo waxa ay dowlada ka mamnuucday in ay soo faragaliyaan
arimaha jira howshoodana ay ka dhigayaan soo xulida Ergada ansixinta
dastuurka loogu magacdaray kuwaasi oo laf ahaantooda aan u idmaneyn
faragelinta dastuurka oo ay u gudbin doonaan baarlamaanka soo
socda Cabdi raxmaan Xoosh Jibriil wasiirka dastuurka ayaa fikradaa
qaba.
Odayaasha dhaqanka ayaa iyaga qaba in dowladda
ay xakameysay dooneysana inay ku xalaaleysato wax aan soomaali
u qalmin oo la isaga daba imaanayo Garaad Jaamac Garaad Cali
ayaa ka mid ah odayaasha sidaasi qaba.
Ka tanaasulida dastuurkii mudada loo diyaarinayay
soomaaliya iyo hor istaaga kahadalka arinta dastuurkaan maalmaha
lagu sameeyay ayaa muujineysa xaalad siyaasadeed oo qatar ah
oo xiligaan ay soomaaliya wajeheyso taa oo ay intaa dheer tahay
in meel marinta dastuurka uu sal u yahay fulinta dhamaan qodobada
ku xusan roadmap-ka oo aan weli gabi ahaantiisba wax ka fulay
aanay jirin aqoonyahanka Afyare Cabdi Cilmi ayaa qaba in xaalku
uu yahay fad ama hafadin waalagu fadsiin.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com