Dhegabadan
oo beeniyay warar isaga ku saabsan
Abaanduulaha ciidamada Milatariga dowladda Jen . C/kariin
Yuusuf
Aadan (Dhegab adan) ayaa waxa uu beeniyay warar ay baahiyeen
qaar ka
mid ah Warbaahinta oo isaga ku saabsan oo ku aadanaa in xilkiisa
uu
iska casilay .
Dhegabadan ayaa waxa uu sheegay in wararkaasi oo uu ka aqristay
qaar
ka mid ah Websetyada ay yihiin kuwa been abuur ah oo ay ka
dambeeyaan
kooxaha jid iyo jiha diidka Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay
inta ay
dalka ku sugan yihiin in uu socon doon howlgalka isaga oo
howshiisa
wadanayo.
Abaanduulaha ciidamada Milatariga ayaa waxa uu sheegay in
hada uu
meel wanaagsan marayo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab
oo uu
sheegay in mardhow ay soo afjarayaan, isaga oo dhinaca kale
meesha ka
saaray eedeymaha loo jeediyo ciidamada dowladda ee ku aadan
dhaca
dadka shacabka ah.
Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa waxa ay shaaciyeen in Dhegabadan
uu
iska casilay xilika uu hayay dowladda KMG Soomaaliya.