Beelihii ku dagaalamay
Mudug oo xalintooda lagu guuldareestay .

Gudi isku xilsaaray dhexdhexaadinta beelo ku dagaalamay
deegaanada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu sheegay in uu ku
guuldareestay xalinta beelahaasi.
Iyadoo deegaanada Mudug iyo Galgaduud ay ka jiraan
dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelo kasoo kala jeeda deegaanada
Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka hadlay dagaaladaasi
Gudi ku howlanaa dhexdhexaadinta labada dhinac.
Gudoomiyaha Gudigaasi Bashiir Warsame ayaa sheegay
in ay ku guuldareesteen dhexdhexaadinta beelaha dirirsan kadib
markii sida uu sheegay ay ka dhaadhicin waayeen inay heshiiyaan,
waxaana sidaasi awgeed uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in
ay gacan ka gaystaan cidii awooda arintaasi.
Dhowr jeer hore ayaa waxaa ka dhacay deegaanada
Mudug iyo Galgaduud dagaal beeleedyo uu dhiig badan ay ku daateen,
iyadoo ilaa hada aysan jirin wax laga qabtay dagaaladaasi oo
mararka qaar dib u bilowda.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com