Cali
dheere: "dib ayaan u qabsaneynaa Kismaayo"
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage
Cali dheere
ayaa waxa uu ka hadlay waxa uu yahay qorshahooda mar hadii
ay ka
baxeen magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada
huwanta
ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Cali dheere ayaa sheegay in markii horaba aysan jirin cid
ka saartay
Kismaayo oo ay iyaga isaga baxeen hadana ay awood u leeyihiin
inay ka
saaraan ciidamada oo ay dib u qabsadaan taasina waxa uu sheegay
inayba
tahay sababta ay uga baxeen Kismaayo oo uu ku sheegay xeelad
dagaal oo
ay ku doonayaan inay qasaaro ku gaarsiiyaan ciidamada Kenya.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu sheegay in waxa
Kenya ay
u qabsatay magaalada Kismaayo ay tahay inay baneesato qeyraadka
iyo
dhulka Soomaaliya balse waxa uu sheegay in taasi aysan soconeynin
oo
ay beegsan doonaan askarta Kenya si ugu dambeyn ay ugu qasbaan
inay
dib ugu laabtaan dalkooda, isaga oo ugu baaqay shacabka inay
kacaan oo
ay la dagaalamaan waxa uu ku sheegay cadowga kusoo duulay
dalkooda.
Al Shabaab ayaa baneeyay magaalooyin badan oo Soomaaliya
ay ka
maamulayeen, waxaana ay u muuqdaan Shabaab kuwa uu daadka
qaaday.