Dilkii
sheikh Axmed oo natiijo hordhac ah laga soo saaray
Dilkii sanad ka hor magaalada Boosaaso loogu gaystay Sheekh
Axmed
Xaaji Cabdi Raxmaan ayaa Gudi loo xil saaray goor sii horaysay
waqtigii dilka kadib ayaa dhowana daabacay natiijada horhdaca
ah ee
baadhitaankooda.
Xubin ka mid ah Gudiga oo ka gaabsaday magaciisa sababo dhinaca
amaanka ah ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen
toddoba
xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabab kuwaasi oo ka amar qaadanayey
Amiirka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.
Warka uu soo saaray Gudiga ayaa waxaa ku cad in Gudiga baraha
internetka ku daabaceen dokumentiyo iyo cajalad ay sheegeen
inay
qiraal ku samaynayaan laba ka mid ah dadkii dilkaasi ku lugta
lahaa.
Mid ka mid ah Xubnaha la eedeeyay ayaa isaga oo ku sugan dalka
Malesia waxa uu been abuur ku tilmaamay in wax lug ah uu ku
lahaa
dilka Sheekha xiligii la dilayayna uu ka maqnaa dalka sidaasi
awgeedna
laga been abuurtay.
Kooxo hubeysan ayaa bishii desembar 2011-kii ku dilay magaalada
Boosaaso Sheekh Axmed Xaaji Cabdi Raxmaan oo si weyn looga
yaqaanay
Soomaaliya xili uu kasoo baxayay Masjid ku yaalla magaalada.