QM
oo ka hadashay dilkii Abwaan Warsame Shire
Isaga oo la hadlayay Qaar ka mid ah Wakaaladaha Caalamka
Wakiilka
gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa waxa uu cambaareeyay dilkii
habeen
ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay Alle ha u naxariistee
abwaan
Warsame Shire Cawaale oo ka mid ahaa howlwadeennada idaacadda
Kulmiye.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Mahiga ayaa lagu sheegay
in uu
caalamku ka walaacsan yahay dilalka isa soo taraya ee loo
geysanayo
suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo in aanay ilaa iyo hadda jirin
cid loo
xiray ama loo dabagalay dilalkaas.
Sanadkan waxa uu noqonayaa sanadkii la dilay tiradii
ugu badneyd ee
weriyeyaal iyo dad ka howlgalayay qalabka warbaahinta Soomaaliya
ayuu
yiri Mahiga oo intaa raaciyay in dilka abwaan Warsame uu tirada
weriyeyaasha la dilay ka dhigay 18 qof.
Danjire Mahiga ayaa tacsi u diray ehalada iyo saaxiibbada
uu ka
geeriyooday Abwaan Warsame Shire Cawaale.
Maxamed Maxud Tuur yare oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle
ayaa la
dilay ka hor dilka Abwaan Warsame waana talaabo muujineysa
korarka
dilalka Saxafiyiinta.