Doon hub u siday Shabaab
oo la qabtay
Maamulka Puntland ayaa baaritaan ka dhacay degmada Caluula waxa
uu ku qabtay doon iyo waxyaabo qarxa oo loogu tala galay Xarakada
Al Shabaab ee la bahoowday Al qaacidda.
Doonidaani iyo hubka saran oo la qabtay shala gilinkii dambe
ayaa waxaa Saxaafadda usoo bandhigay G/sare Maxed Cali
oo ah Taliyaha Dekadda magaalada Boosaaso taas oo u socotay
argagixisada Somalia kana timid dalka Yemen.
Doonidaan waxey aheyd nooca dheereeya oo ay ku xiran yihiin
Laba Matoor, waxeyna ka timid dalka Yemen iyadoo ay wateen Laba
nin oo mid Somali yahay halka midka kalena uu u dhashay Yemen,
hase yeeshee waxaa gacanta lagu hayaa ninkii Yemeniga ahaa Somaligiina
waan ku raadjoognaa ayuu yiri taliye G/sare Maxamed Cali
Xaasi.
Saraakiisha Puntland ayaa waxa ay intaasi u darayaan in Doonidan
lagu qabtay xeebta magaalada Caluula kadib markii shacabka magaaladaasi
ay gacan ka geysteen qabashada Doontaasi hubka u sidday argagixisada
dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com