Faah
faahin ku saabsan Doorashada maanta
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa
in saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo ay ka dhacdo Xarunta
Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Gudiga doorashada Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim
ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay inay isku diyaariyeen
doorashada codkana uu qarsoodi yahay, isaga oo sheegay in
mar waliba uu Madaxweyne noqonayo qofkii 3 meelood 2 meel
helaa codka barlamanka.
Cismaan Libaax Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in doorashada
ay tahay mid taariiqi ah, waxaana uu xusay in aysan dhici
doonin in lagu shubto doorashada, isaga oo xusay isku qeybiyeen
gudiyo ay ka mid yihiin Gudiga amniga iyo Gudiga bartikoolka.
Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya oo maanta dhaceysa ayaa
waxaa u taagan 24 Musharax lama oga cida rasmi ahaan kusoo
bixi doonta.