» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay Gedo

 

Deegaan lagu magacaabo Caro-ciid oo ka tirsan magaalada Baladxaawo
ee gobolka Gedo ayaa la sheegay in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay
ciidamada dowladda KMG iyo Al Shabaab

Sida ay goobjoogayaasha sheegayaan Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib
ciidamada dowladda oo kusii jeeday magaalada Baladxaawo ay wadada u
galeen ciidamada Shabaab,

Saraakiisha dowladda waxa ay sheegeen in dagaalka uu dhankooda kaga
dhintay hal sakari mid kalana uu kaga dhaawacmay hase ahaatee Al
Shabaab oo aan cadeen dhankooda qasaaraha gaaray ayaa sheegaya in ay
jab u gaysteen ciidamada dowladda.

Maalmahaanba waxaa gobolka Gedo ka jira xiisado dagaal iyo
dhaqdhaqaaqo ciidan oo u dhaxeeya dowladda oo gacan ka heleysa Kenya
iyo Xarakada Al Shabaab
AMISOM: waxaan dilnay Saraakiil Shabaab hubna waan ka furanay”

jeneral Adduusa nadawuminse oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM
ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga warbixiyay howlgallo
ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwo kenya ee ku sugan koonfurta dalka
somalia ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga gobolka Gedo ee koonfurta
somalia

Waxa uu sheegay Taliyaha in ciidamada kenya oo qeybtaa ka ah AMISOM
ay dileen dagaalyahanno shabab ka tairsan oo 4 gaaraya kuwaas oo ku
sugnaa tuulada Taaroko oo gedo ka tirsan isagoo sidoo kale sheegay
inay gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaadiid shababku ay
isticmaalayeen.

“Waxaan dilnay 4 dagaalyahan oo shabab ah , waxaan sidoo kale gacanta
ku dhignay 11Ak-47 ah , labo PKM ah iyo gantaalada garabka laga tuuro
ee baasuukaha” ayuu yiri Adduusa nadawuminse

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale tilmaamay in
howlgalka AMISOM ay ka sameysay koonfurta somalia u qeyb kayahay
howlgallo dhinaca koonfur ee dalka somalia lagaga xureenayo Xarakada
Al shabab waa sida uu hadalka u dhigay.

AMISOM ayaa marar badan sheegtay in dagaalyahanno al shabab ka tirsan
ay ku dishay qaar ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka somalia ,
inkastoo Al shababku marar badan ay arintaasi ay beeniyeen , mana jiro
wax war ah oo arinkan ku aadan oo al shabab ka soo baxay.

 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden