Dowladda oo cambaareysay
dhaawacii Wariye C/qaadir CUmar Cabdulle(Warsaxaafadeed)
Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa iskudaygii
la rabay in lagu dilo wariyihii Universal Television, Cabdulqaadir
Cumar Cabdulle, kaas oo dhaawac culus ka soo gaaray dhanka caloosha
kadib markii ay laba nin oo aan heybtooda la aqoon kusoo weerareen
gurigiisa oo ku yaal degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta,
Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed ayaa cambaareyn kulul u jeediyay,
asaga oo leh Waan cambaareyneynaa iskudaygii la rabay
in lagu dilo wariyaha, waxaana ku baaqeynaa in baaritaan lagu
sameeyo qoladii ka danbeysay fal danbiyeedkaas.
Dowladda waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay la
shaqeeyaan xoogaga amniga si loo xaqiijiyo in laga hortago falalka
danbiyada ee dhamaan dalka oo idil, oo ay ku jiraan kuwa argagixisada
oo halis ku ah bulshada.
Waa in aysan shacabku ka yeelin qolyaha
masuulka ka ah falalka danbi in ay cabsi galiyaan, isla markaana
ay taageeraan dadaalka loogu jiro in amniga caasimada lagu xaliyo
taas oo ka hortagi doonta kuwa cadeystay cadaawadda ay u hayaan
wariyeyaasha iyo dadka nabadda ka shaqeeya ayuu yiri Mudane
Cabdulqaadir.
Wasaarada Warfaafinta waxay dhiiragalineysaa qof
walba oo haya warbixin ku saabsan fal danbiyeedkii la rabay
in lagu dilo wariyihii Universal Television si dadkii arintaas
ka danbeeyay bulshada looga qabto oo xabsiga loo dhigo.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com