Dawladihii Soo Maray Soomaaliya
1960-69kii.
Magacdii Madaxweynayaasha
iyo Wasiirada Dawladahaasi
Qaybta 1aad iyo 2aad:
By: Mahdi Faarax Aadan
(Mahdi Gandhi)
Qaybta Koowaad

Taariikh kasta waxay leedahay maalin la maamuuso
hadaba Bishan Oktoobar waa Bisha loogu magacdaray Black History
Month of Africa.Taariikda madoobayd ee Africa Soomaalidu Bishan
Maxay ku leedahay ? Hadaba aan jaleecno magacyada Wasiirada
Dawladihii Soomaliya ee 1960-1969
Magacyada wasiirada 1960-1969 Dawladihii Soomaaliya
soo maray
Magacaanta Wasiirada Dawladihii ugu horeysay ee Soomaliya 1960-1969.
Luulyo 12 ,1960 Waxaa Cabdirashiid Cali sharmarke ku dhawaaqay,
Dawladii ugu horeysay waxaana Madaxweyne ka ahaa dawladan
Aadan cabdulle Cismaan oo ahaa Madaxweynihii ugu
Horeeyey ee
Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya Illaahay naxriistii janno
haka
Waraabiyo.
Dawladan oo ka koobnayd 14 Wasiir oo kala ahaa
sidan
1. Dr Abdirashiid Ali sharmaarke
Raiisul Wasaare
2. Cabdi Xasan Buuni
Raiisul wasaare ku xigeen
3. Axmed Xaji Ducaale
Wasiirka Wasaarada Beeraha
4. Cali Garaad Jaamac
Wasiirka Wasaarada waxbarashada
5. Cabdulllahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda
6. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha
7. Cabdulqadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka wasaaradda Shaqada & Gaadiidka
9. Cali Maxamed Hiraabe
wasiirka wasaaradda warfaafinta
10. Cismaan Maxmuud Ibraahim
Wasiirka Wasaaraha hawlaha Guud
11. Sh.Cali JImcaale Baraale
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Xoolaha
12. Sh.Cabdulle Aw Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga
13. Maxamuud Axmed Maxamuud
Wasiirka Wasaarada garsoorka
14. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Fiiro Gaara:- Dawladani waxay ku guulaysatay inay
qotomiso jiritaanka qaranimada Qowmiyada Ummadda Soomaaliyeed
in aan lagu gardaroon ooy leeyiihiin xuduudo iyo xeer Dastuuriya
oo laga aqoonsanyahay Qarama Midoobay, Calanka Soomaliyeedna
ka dhex babaddo calamada qaramada caalamka Adduunka .
Dimoqraadiyadu waa caano ee yayna inaga daadan
( Madaxweyne Aaden cade )
Wuxuuna noqday Madaxweynihii Ugu horeeyey ee Africa ee iska
dhiiba Xukunka
-
Doorashdii ugu horeysay ee Xisbiyo ee Soomaliya
ka dhacda waxaana Ka qayb galay Xisbiyo tiro badan Juun,1964tii
Waxaa ku guulaystay Xisbigii SYL Madxweyne Aaden Cadulle Cismaan
Wuxuu Raiisul Wasaare u magacaabay
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuuna soo Magacaabay
dhismo dawlad ka kooban
12 Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxayna kala ahaayeen
Sidan:.
1. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqradiga ee Soomaliya
2. Axmed Yuusf Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda
3. Aaden Isaaq Axmed Iidle
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga
4. Cabdulqaadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
5. Cawil Xaaji Cabdullaahi
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
6. Cismaan Maxmuud Cadde
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga
7. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka
8. Sh. Cabdulle Aw Maxamed
Wasiirka Wasaarada Igaadhsiinta iyo Hawlaha Guud
9. Kanadiid Axmed Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad
10. Jaamac Maxamed Ciise
Wasiirka Wasaaradda Beeraha
11. Yuusuf Aaden Maxmuud
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta
12. Sh. Maxmuud Sh., Faarax
Wasiir Bilaa Wasaara ( ma lahayn wasaarad )
-
Bishii 7aad 1964 Dawladan waxaa soo kala dhexgaly
Khilaaf Kaas oo loogu magacdaray hadaan soo koobno cod Khasaaray
ama cod xumaadayWaxaana ka dhashay in Wasiiro xilka laga qaado
oo Wasiiro cusub Lagu badalo kuwa la magacaaby waxaa ka mid
ahaa.:
1 Cali Cumar Sheegow
Wasiirka Wasaaradda qorshaynta
2 Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Beeraha
3..Cabdirhman Xaaji Muumin
Wasiirka Wasaarada Garsoorka
4. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiir bilaa Wasaara ( wasiirka heehaaba )
ma lahayn Wasaarad iyo xafiis toona
Fiiro gaara :
Dawladan waxay ku guulaysatay inay qalinka ku duugto in Xeebtii
Soomaliyeed ee Faransiisku Gumaysto ee Djibouti Madaxbanaani
Qaadan karto ayna gui karto oo laga ansaxiye Golaha Dawlada.
Siyaasiyiinta Soomaaliyeedna Badankoodu waxay
isku raaceen in dawladani ahayd maamul dawleed maamulkii ugu
fiicnaa dawladihii soo maray Soomaaliya.
Magacaanta Wasiiradda Dawladii Cabdirashiid Cali
Sharmarke 1967-1969
10 juun 1967 Waxaa raiisul Wasaare noqday Maxamed Xaaji
Ibrahim Cigaal Illahay naxariistii janno haka waraabiyo wuxuuna
soo dhisay dawlad cusub oo ka koobnayd 17Wasaaradood iyo Wasiiradooda
waxaana Madaxweyne noqday
Cabdirashiid Cali sharmaarke Illaahay ha u naxriistee Wasiirada
la magacaabay waxay kala ahaayeen sidan :
1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Raiisul Wasaaraha & Wasiirka arrimaha Dibedda
2. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda
3. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha
4. Yaxya Yuusuf Iimaan Guuleed
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga
5. Xaaji Faarax cali Cumar
Raiisul Wasaare kugeen & Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
6. Xasan Xaaji Cumar Camay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
7. Cali Maxmed Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada
8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
9. Xareed Faarax Nuur
Wasiirka Wasaaradda is Gaadhsiinta iyo Gaadiidka
10. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
11. Cali Caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha
12. Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda
13. Cabdulahi Maxamed Qablan
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta
14. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arimaha Diinta
15. Maxamed Cali Dacar
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Cali Maxamed Hirabe
Wasiirul dawlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha
17. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maalgalinta iyo Horuumarinta.
Dawladan mar labaad ayaa dib loogu noqday halkan
kagama sheekayn karno oo waa taariikh dheer, Laakiin waxaa mar
labaad loo dhaariyey Maajo 1969kii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
, Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya
Illaahay ha u naxariistee inuu mar labaad soo dhiso dawlad Cusub
wuxuuna soo dhisay dawlad ka koobnayd 16 Wasaradood iyo Wasiiradooda
Waxayna kala ahaayeen sidan :
1. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Raiisul Wasaaraha & Wasiirka Arimaha dibedda
2. Hilowle Macallin Maxamed
Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiga
3. Suufi Cumar Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
4. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
5. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
6. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arrimaha Diinta
7. Xaaji Muuse Boqore
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
8. Micheal Mariano
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta
9. Jaamac Gaani Axmed
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud
10. Cabdillaahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
11. Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
12. Maxamed Sh.Maxamed Sh.Dahir
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada
13. Cali caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta
14. Xirsi Bulxan Faarax
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha
15. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga iyo Horuumarinta Bulshada
16. Cabdillahi Maxamed Hiirad
Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Fiiro Gaara :
Dawladani waxay ahyd Dawladii ugu dambaysay ee rayada Waxayna
ku guulaysatay xoojintii xidhiidhka Caalamiga Doorashadii dawladan
waxaa ka dhashay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac rabshadahaas
waxaa ka faaiidaystay Taliyihii Ciidan Xooga Dalka Soomaaliyed,
General Maxamed Siad Barre iyo sarakiishii Ciidamada waxayna
ahayd dawladii lagu dilay Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Dhamaad
Qaybta 1aad-
Suaasha Caalamka ka taagan ?
Axmed Gurey oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Xaaji diide iyo Geele Batal oo kalle Djibouti ma soo mari doonaan
?
Sheekh bashiir oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Sayid Maxamed Cabulle Xasan oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa
?
Cabillaahi Ciise oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Aaden Cade oo kalle soomaali ma soo mari doonaa ?
Maxamuud Xarbi oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?
Xasan guleed oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?
Cabdiirashiid Cali sharmaarke oo kalle Soomali ma soo mari doonaa
?
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo kalle Soomali ma soo mari doonaa
?
Cabdidirisaaq xaaji xuseen oo kalle Soomaali ma soo mari Doonaa
?
Siad Barre oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
ismaciil Omar gelle oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?
-
Guled Naser C/Hi Ciise
Raggan oo kale way inagu dhexjiran laakiin dadka kama garanayno..
Why?
1.Mandela 2.Lumumba.3.Senghor.4.Marthin.5.Malcolmx.
6.Thomas sankara(burcina faso) 6.H.Guled. 7.Jamaal cabdi Nasir
.8.C/Ciise
Hadii tariikhdooda la qoro waxaa laga dhex arkayaa
qabiil markaa
Dadweyna ayaynu waydiinaynaa halka aan kaga darno Taariikhda
?
Qaybta Labaad
Magacyada Wasiirada 1960-1969kii dawladihii Soomaaliya
soo maray & Magacyada Golihii sare ee Kacaanka ee Dawladii
General Maxamed Siyaad Barre
Magacaanta Wasiirada iyo Golihii sare ee Dawladii
Maxamad Siyaad Barre
Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed wuxuu afgambi ku qabsaday dawladii
uu Madaxweyne Abdirashiid Cali Sharmaarke Xukumaayey oo Raiisul
Wasaare
u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Egal . Dhamaantoodba illaahay
ha u naxariistee.
General Maxamed Siad Barre
Saarakiishiisi waxay soo Magacaabeen Gole ka kooban
25 Sarkaal oo ka mid ahaa sarakiishii ugu awooda Badnayd xiligaas
isla markaana ahaa Sarakiishii Samaysay Afganbiga. Waxayna kala
ahaayeen sidan.
1 Sareeye Gaas . Maxamed Siyaad Barre
2. Sareeye Gaas. Jaamac Cali Qoorsheel
3. Sareeye Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed
4. Gashaanle sare. Xuseen Kulmiye Afrax
5 .G/Le Dhexe. Maxamed Sheekh Cusmaan
6. G/Le Dhexe. Maxmuud Maxamed Mire
7. G/Le Dhexe. Maxamed Cali Samatar
8. G/le Dhexe. Maxamed Cabdalla Faadil
9. G/Le Dhexe. Maxmuud Geelle Yuusuf
10. G/Le Dhexe. Salaad Gabeyre Kediye
11. G/Le Dhexe. Axmed Maxmuud Cabdulle
12. Gaashaanle. Axmed Maxuud Faarax
13. Gaashaanle. Ismaaciil Cali Abokor
14. Gaashaanle. Maxamed Cali Shire
15. Gaashaanle. Cali Mataan Xaashi
16. Gaashaanle. Muuse Rabiile Good
17. Gaashaanle. Faarax Wacays Dhuule
18. Gaashaanle. Axmed Suleymaan Cabdalla
19. Dhame . Cabdi Warsame Isaaq
20. Dhame. Bashiir Cilmi Yuusuf
21. Dhame. Cabdirisaaq Maxamuud Abokor
22. Dhame. Cabdulqadir Xaaji Maxamed
23. Dhame. Maxamed Cumar Jees
24. Dhame. Axmed Xasan Muuse
25. Dhame. Cusmaan Maxamed Jeelle
24tii Oktoobar 1969 waxay soo saareen bayaankoodii
ugu horeeyey oo ka koobnaa
13 qodob oo khuseeya Siyasaasada Gudaha iyo Siyaasadda Dibedda
ayna isku raaceen in Dalka lagu xukumo Waxayna kala ahayeen
sidan : -
Qodobbada Siyaaasada Gudaha
1.In la dhiso Ummad u siman Shaqada oon lakal
soocin, iyadoo loo
tixgalinayo waxkasta oo samaynaya nolosha dadweynaha Soomaliyeed
2. In dadka lagu hanuunsho horuumarinta dhaqaalaha,
nolosha guud
Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida wadanku horay ugu maro
3. In la cidhib tiro aqoon darrada, dadkana loo
iftiimiyo qiimaha dhaxal
galka ah eehidaha iyo dhaqanka Soomaaliyedd.
4. In la sameeyo sida ugu haboon saldhigii qorista
iyo horuumarinta Af-soomaliga
5. In la dhameeyo musuqmasuqoo idil, qaraabo kiilka,
qabyaalada iyo wixii kale
ee kharibay bulshada
6. In la baabiyo asxaabta siyasadeed oo
dhan.
7. In la sameeyo doorasho wakhtigii ay haboonaato
doorasho madax banaan
doorasho madax banaan.
Qodabadda Siyaasadda Dibedda
1. In la taagero ururrada Gobanimo-doonka ah,
iyo iskaashiga Caalamiga
1. In la horjoogsado dagaalna lagu qaado gumaysiga
iyo gumaysiga cusub
3. In lagu dadaalo sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed
laysugu keeni lahaa
4. In la ogolaado mabaadida nabadgelyada
iyo wada noolaanshaha Addunka
5. In lagu socdo siyaasad cad ee dhexdhexaadka
ah
6. In la aqoonsado mabaadida Ummadaha Midoobay
iyo Ururka Midowga Africa.
Magacyadda Golihii Xoghayaasha iyo Wasiiradda
1dii Nov,1969kii Waxay Magacaabeen Golihii Wasiirada
oo ka koobnaa
14 Xoghaye iyo Wasaaradahooga waxayna kala ahayeen sidan :
Wasiiradan badankkoodu waxay u badnaayeen dad rayada marka laga
reebo
Generaal Jaamac Cal Qoorsheel.
1. S/Gaas . Jaamac Cali Qoorsheel
Xogahayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha
2. Cumar Carte Qalib
Xoghayaha Wasaaradda Arimaha Dibeda
3. Maxamed Canshuur Xasan
Xoghayaha Wasaaradda Gaadiidka & Isgaadhsiinta
4. Maxamuud Canbdi Caraale
Xoghayaha Wasaaradda Maaliyada
5. Maxamed Aaden Sheekh
Xogahayaha Wasaaradda Cafimaadka.
6. Xasan Cali Mire
Xoghayaha Wasaarada Waxbarashada & Barbaarinta
7. Maxamad Maxmuud Cismaan
Xoghayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha
8. Maxamed Buraale Ismaaciil
Xoghayaha Wasaaradda Macdanta & Biyaha
9. Maxamuud Jaamac Axmed
Xoghayaha Wasaarada Warfaafinta & Hanuunitnta
10. Maxamuud Geelle Cilmi
Xoghayaha W/Shahaqada,garsoorka & Arimaha Diinta
11. Cusmaan Cali Nuur Qolof
Xoghayaha Wasaarada hawlaha Guud
12.Cabdulqaadir Aaden Cilmi
Xoghayaha Wasaaradda Beeraha
13. Axmed Maxamed Maxamed Maxuud Siilaanyo
Xoghayaha Wasaarada Qorshaynta
27dii Abriil 1970 Waxaa gurihgiisa laga soo qabtay
Generaal Qoorsheel
26dii Febraayo 1970 Waxaa la baabiiyey Dastuurkii
dalka u dhignaa ee Muddo 10 sannadooda lagu soo dhaqmaayey.
22dii Maajo Maxamed Siyaad wuxuu qudbad ku jeediyey
qofkii aan la socon karayn
Kacaanka inuu shaqada fuliyo ama isaga tago.
27dii Abriil 1970 Waxaa gurihgiisa laga soo qabtay
Generaal Qoorsheel oo lagu eedeyey inuu xidhiidh la leeyahay
kooxo budhacada oo raba inay shaqaqooyin ka ridaan xuduudaha
U dhexeeya Ethiopia iyo Somalia isla markaana uu xidhiidh la
leeyahay la leeyahay Ethiopia uuna rabo dawlada afgambiyo.
7dii Maajo 1970 Waxaa lala wareegay Shirkadihii ajanabiga oo
dhan oo la
Qarameeyey. Dalkana wuxuu ka bilaaabay Iskaa Wax u qabso.
Is Casiladii xoghayaasha: Xoghayaashu waxay isku casileen Xukuumada
oo doonaysay inay wax ka badasho Manhajka waxbarashada ooy ka
cadhoodeen
12dii luulyo 1970 Waxaa is casilay saddex xoghaye
waxayna kala ahaayeen sidan:
1B. Xasan Cali Mire / Xoghayihii Wasaarada Waxbarashada iyo
Barbaarinta
Waxaana lagu badalay
1T.Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Abokor
2B Maxamuud Geelle Cilmi/ Xoghayihii Wasaarada
Warshadaha iyo Ganacsiga
Waxaana lgu badalay
2T. Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax
3B. Cabdalla Aw Faarax Xasan/ Xoghayihii Wasaarada
Beeraha
Waxaana lagu badalay
3T. Maxamed Xasan Cabdiraxmaan
Muddo yar dabadeed waxaa isbedel lagu sameeyey
Xoghayaashii hore ee
la magacaabay oo qaarkoodna xilka la qaadey qaarkoodna jagooyin
cusub
loo Magacaabay waxayna kala ahayeen oo loo habeeyey sidan :
1.S/Guuto Salaad Gabarey Kediye oo ka mid ahaa
Golihii sare ee Kacaanka
Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Jagadan cidna ma hayn waxaa hayey Gudomiyaha Golaha sare ee
Kacaanka
2.G/dhexe Imaaciil Cali Abokor/ Golihii sare ee
Kacanka
waxaa loo Magacaabay: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta
waxaana Jagadan horey looga eryey Maxamed Jaamac Axmed
3. Cali Xaashin Sheekh Xuseen. Waxa loo magacaabay
Xogahayaha
Wasaarada Hawlaha Guud. Waxaana jagadan horey u hayey oo laga
ereye
Cabdulqadir Aaden Cabdulle.
4. Maxamed Cali Warsame. Waxaa loo Magacaabay
Xoghayaha Wasaradda
Isgaadhsiinta Waxaana horey u hayey. Maxamed Canshuur Xasan
5. Saciid Ibraahim Xaaji Xuseen . Waxaa loo magacabay
Xoghaya Wasaaradda
Xanaanada Xoolaha iyo Horuumarinta Reer Miyiga .Jagadan waxaa
horey
u hayey. Maxamuud Maxamed Cusmaan
6.Sheekh Cabdi Qani Axmed . oo aha macllin Kulliyada
Sharciga ka dhiga
Maadada Shareecada Islaamka .waxaa loo Magacaabay Xogahaya Wasaaradda
Shaqada Garsoorka iyo arrimaha Diinta .Waxaa Jagadaas horey
u hayey
Cusmaan Nuur Cali Qonof.
7. Ibraahim Maygaag Samatar Xoghaya. Waxaa loo
magacaabay Xogahaya
Wasaaradda Arrimaha Dibeda ,waxaa xilkaas laga qaaday Maxamuud
Cabdi Caraale
INQILAABKII LAGU DILAY SARAAKIISHII GOLIHII SARE
EE KACAANKA
6dii Maajo 1971dii Waaxaa Radio Muqdsiho si lama
filaana uga hadlay Xogahaya Wasaaradda Warfaafinta & Danuuninta
Dadweynaha: Gaashaanle Dhexe : Ismaacill Cali Obokor Wuxuuna
shaaca ka qaday in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sarakiishan.
1. S/Guuto. Salaad Gabeyre Kediye
2. S/Guuto. Maxamed caynaanshe Guuleed
3. G/Sare. Cabdulqaadir Maxamed Guulledd ( dheel-dheel )
Saddexdan Sarkaal waxa lagu xumumay Diltoogasho
ah 1luulyo 1970 waxaana
Lagu toogtay fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska Xamar jajab
Muqdsiho.
Waana maalintii Generaal Maxamed Siad Barre neeftuurey uuna
ku jimicsaday xukunka.
Waxaana lagu eedeeyey inay qabanqabinayeen afgambi
waxaana ku jirray 22 Sarkaal iyo hal qof oo rayada oo aah dadka
siyaasada Soomalida ku guura.Waxaa amakaag iyo yaab ku noqotay
xadhiga Korneel Dheel-dheel oon dambiga Shaqo kunlahayn ama
aan la tuhmi karin. Badankoodana waxaa lagu xukumay xabsi daiim
iyo 1sanno ilaa 30 sannadood oo xadhiga sarakiishan.
Golihii sare ee Kacaanka Faaíido
iyo Khasaare wixiii laga dhaxlay
Dhamaanteen wan ka dharagsanahay faíido
iyo khasaare wixii dawladaasi gaysatey
Halkana kuma soo koobi karno , laakiin hadan yara taabano dhowr
qodob oo ka midyihiin sida.
11kii Janaayo 1972dii Golihii sare ee Kacanku
wuxuu goaamiyey in luqadiihii shisheeye La cidhib tiro
waxaana la go, aamiyey in xuruufta latiiniga Af-Soomaliga af-soomaali
laga dhigo Dhamaana manhajka waxbarashada dalka oo dhan laga
dhigo afsoomali.
Faiidooyinkii Dawladii Maxamed Siad Barre
In cadow soo Haweysan Dalka Soomaaliya
1973 waxaa Dhaman shaqalaha dawlada lagu amray
inay ku khasbanyihiin Af-soomaliga inay qoraan ayna akhriyaan
dhamaana xafiisyada dwalada lagaga shaqeeeyo. Waxana la qadey
olole weyn oo loogu magacdaray OLOLAHA Afsoomaliga lana gaadhsiiyo
Dhamaan baadiyaha iyo Magalooyinka dalka Jamhiiriyada Dimoqraadiga
ee Soomaliya.
Dawlada Maxamed Siad Barre Boqolkiiba 70% dhaqaalaha
Wadanka waxay galisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxayna
sababtay in la dhiso Ciidan tayo iyo tiro leh looguna Magacdaray
Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kasoo jabiyey Quwadii ciidankii
ugu quwada iyo Cududda weynaa Sub sahara Africa ee Ethiopia
Tariikhda Africa, ee ku faani jirtey waligay lanagama guulaysan
ismana dhiibin waxyna uubta ugu dhaceen Xoreynta Gobolka Soomali
galbeed ee ,Gacanta ugu jirra Gumaysiga madoow ee xabashida.
.1977dii
(Galbeed waa la xoreeyey waarsaa gaagaxisay gulufku
waa halkiisa Gayiga SOOMAALI baa leh /Xasa gannay )
Faaiidooyinkii kalle ee Maxamed Siad Barre
laga Dhaxlay
- Waxbarashada aas-aasigu waxay u ahayd Muwaadin
kastoo Soomaaliyeed lacag laaan
- Jidka Ugu dheer dalka ee ka bilowda Hiiraan
ilaa Dilla iyo Jidka u dhexeeya Goroowe iyo Bossaso
- Dhismayaasha Gegooyinka iyo Marsooyinka Magaalooyinka
Waaweeyn ee Dalka.
- Cusbutaalada , Jaamacadaha & jidadka Muqdisho
badankooda iyo samafaraayasha kala hora gaadiidka Caasimada
Dalka Soomaaliya Muqdisho iyo Bilicdeeda
- Gurmadkii Abaaraha ee Gobollada Woqooyi in dadka
lagu daadgureeyo Diyaaraddo loona fidiyey gacan Baniaadanimo
iyadoo ogolaansho laga haysto
Dawlada Soomaliya.
- Dhismaha Jabhadii FLCS Jabhada Xoreynta Xeebta
Soomaaliyeed ee Djibouti laguna tababaray Dooxada la yidhaahdo
Heemaal ee Degmada Saylac .
- Qabashadii shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay
Muqdisho 1974tii African Village .
- Waxay ka mid noqotay Jaamacada carabta iyo ururada
heer calamiya ee ka jirra Aduunka
- warshadii la qarameeyey iyo Shirakadihii la
qarameeyey oo kumanaan qof oo
soomali ah ka haleen shaqooyin
Golihii sare ee Kacaanka Faaíido iyo Khasaare wixiii
laga dhaxlay
Dagaalkii 1977dii lagu jabiyey Ciidamada sida
dadka qarkood aaminsanyihiin, halka kuwo kallena ay aminsanyihiin
in dagalkaasi dal lagu xoreynayey, halka kuwa sadexaadna ay
aaminsanyihiin ,In la badbadinaayey Xornimada Djibouti in Ethiopia
iyo Somaliya Gacanta u galin labadooda ,
kala goostaan waxayna noqdeen Maroodiyaal laysku jabiyey
.
Adigu macnayso
Khaladaadkii ay samaysay Dawlada Maxamed Siad
Barre
Qabiil iyo qarabo kiil aan loo aabo yeelin
Boob iyo hanti urursi afarjeebley ah.
Waxaana dhismay jabhado ka horyimid xukunkii kali
taliska ahaa
Jabhadahaas oo Dastuurkoodu ahaa yaa tolaay iyo qataye adna
qaado.
Jabhadahani isma waydiin maxaan ku badalna ?, maxaa ka dambeeya?
xitaa Siad barre eryada mooyee
. Insha allhaahu midkoodna
ma odhan..!!!!!!!!
Burburkii iyo huwintii madafiicda muwaadiniyiinta iyo burburkii
dalkoo dhan
Waxaanay reebtay radadka maanta aan ku joogno oo wali taagan.
Maxase ka dambeeyey ? dadweynahaa la waydiini halkaan Taariikhda
kaga darayno ?
Siada Barre ha xumaado, ha fiicnanaado, ha eexdo, wax ha dumiyo,
wax ha burburiyo. Wax ha dhiso Maxaa ka dambeeyey ? adigoo degan
u fiirso dadaweynahaa la waydiin halka aan kaga darayno Tariikhda
adigoon caytamin, shakhsiyadna aan aflagadaeyn, qabiilna an
aflaagaadeyn .
Halkeen taariikhda kaga darnaa. ?
Sobobta aan maqaalkan u soo qaatay:
Siad Barre wuxuu yimid xili loo baahnaa, wuxuuna
tagay xilli aan loo baahnayn.
Sidaa darteed Somalia, Somaliland ,iyo Puntland waxay joogaan
wakhti loo baahanyahay Waxayna tagi doonaan wakhti aan loo baahnayn,
Madaxdiina ha caayina ha aflagaadaynina, ee canaanta waxqabadkooda,
iyo wanagoodana sheega.
Miyaad diidantahay inuu Siad barre Soomaali oo
dhan kaga siiyey hay oo waliba hay
aabihii ummadoow hay. ma dhuuntoow siyaad hay oo waliba hay
oo waligaaba hay
wadadii cadayd cagta saarnaye . iyo Siad Barre inuu Somali oo
dhan inuu adkaa ?
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo dhamaan
Hogaamiyashii Somalia oo dhan
Isku Dubaridkii :
Mahdi Farah Aden
Mahdi Ghandi
Holland
Xaafiiska Wararka Warlalis.com