Duqeyn
ka dhacday Kulbiyow, Jubada hoose
Sarkaal sare oo ka tirsam xarakada Al-Shabab magaciisana
la yiraahdo Sheikh Ibrahim Jabaar ayaa Tv,ga Press ee ku yaala
dalka Iraan u sheegay in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn
oo dowladda Mareykanka ay leedahay ay duqeyn ku dishay 5 dagaalyahan
oo Al-Shabab ka tirsan 15 ka badanna ay dhaawacantay.
Sarkaalkan al shabab ka tirsan ayaa sheegay in diyaaraddu
ay gantaallo la eegatay guri ku yaala xaafadda Kulbiyow oo
ay ku sugnaayeen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al
shabab.
Ka hor inta aysan diyaaradda soo ridin gantaalada ayuu sheegay
inay hawada xaafaddaasi ay dul meereysaneysay.
Sarkaalkan ka tirsan Al shabab ma uusan sheegin in guriga
la duqeeyay ay ku sugnaayeen xubno sar sare oo al shabab ka
tirsan sida warbaahinta Presstv ay xuseyso.
Duqeyntaan ayaa timid iyadoo magaalada Kulbiyow ay ka dhaceen
dagaalo u dhaxeeya ciidamada huwanta ah kuwa Al-Shabab,