Faahfaahin ku saabsan
duqeyn ka dhacday Jubada hoose
Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ayaa
waxa ay sheegayaan in tuulo hoostagta deegaankaasi oo lagu magacaabo
Baako ay duqeymo diyaaradeed ka gaysteen diyaarado dagaal oo
laga leeyahay dalka Kenya.
Afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubada hoose
Aadan Axmed Xirsi ayaa waxa uu sheegay in duqeyntaasi lala eegtay
Saldhig weyn oo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka kaasi oo
uu sheegay in la burburiyay qasaaro culusna lagu gaarsiiyay
Al Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir
Seeraar ayaa sheegay in duqeyntaasi ay qeyb ka tahay duqeymaha
inta badan ka dhaca Jubada hoose, waxaana uu sheegay in diyaaradaha
duqeynta fliyay laga leeyahay Keny.
Kenya ayaa duqeyn ay horay uga gaystay deegaanka
Hoosingow waxa ay qasaaro kasoo gaartay dad shacab ah taasi
oo ay cambaareeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com