Shirka
Ergada ansixinta oo furmay iyo Ergo tira yar oo xaadiray
Shirka Ergada ansixinta dastuurka ayaa waxa uu maanta si
rasmi ah uga
furmay magaalada Muqdisho, iyadoo Ergo ka yar kuwii loogu
tala galay
ay xaadireen.
Ergada tiradooda ay gaarayso 300 oo ruux ayaa la sheegay in
ay
maanta soo xaadireen Shirka Ergada ansixinta dastuurka oo
maanta ka
furmay magaalada Muqdisho, iyadoo tirada Ergada laga rabo
825 xubnood.
Wariyaasha ku sugan goobta Shirka ayaa sheegaya in Ergada
loo qeybiyay
dastuurka si ay u aqriyaan oo ay uga doodaan, waxaana Shirka
la
sheegayaa in Ergada ay ka maqan yihiin 50% islamarkaana uu
ciriiri
badan ka jiro howlka oo aan laheyn Kuraas ku filan Ergada
oo xitaa
qaada kuwa haatan Shirka xaadiray.
Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa laga sugayaa
inay xariga
ka jaraan Shirka Ergada ansixinta dastuurka oo socon doono
ilaa
horaanta bisha August.