Eritrea:
hanagala qaado cunaqabateynta hadii aaynaan taageerin Shabaab
Dowladda Eritrea ayaa waxa ay dalbanaysa in cunaqabataynta
laga qaado
mar haddii la ogaaday in aysan taageerin Xarakada Al Shabaab.
Safiirka dawladda Eritrea u fadhiya Q,M danjire Araya Desta
oo ka
hadlayay warbixin ay soo saareen gudiga ay Q,M u xil saartay
baaritaanada hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea
ayaa
Golaha amaanka ka dalbaday in cuna qabataynta laga qaado dawladiisa
mar haddii la ogaaday inaysan wax taageero ah siin Xarakadda
Al-Shabaab.
Danjire Araya Desta waxaa uu tilmaamay inay talaabo wanaagsan
ay
tahay in Q,M ay ogaatay inaysan jirin wax xiriir ah oo ka
dhaxeeya
dawladiisa iyo Al-Shabaab waxaana uu intaa ku daray in la
joogo
waqtigii cuna qabataynta laga qaadi lahaa dawladda Eritrea.
Runtii aad bay noo farxad galinaysaa inaan helno xog
ku saabsan in
Q,M ogaatay in Eritrea aysan Shabaab taageerin ayuu
yiri safiirka
Eritrea u fadhiya Q,M.
Sidoo kale safiirka ayaa iska fogeeyay inay waligoodba taageereen
Al-Shabaab iyo dhinacyo kale oo amaan daro ka shaqeeya
Guddiga ka socda Q,M ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku
sheegeen
in dawlada Eritrea ay hoos u dhigtay taageerada ay siin jirtay
Xarakadda Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta.