Faah faahin
ku saabsan qarax lala eegtay Sarkaal ka tirsan Puntland
Saraakiisha Puntland ayaa waxa ay ka warbixiyeen Qarax Sarkaal
sare
lagula eegtay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
sida ay sheegayaan wararka aynu ka helayno magaalada Gaalkacyo
ee
xarunta gobolka Mudug waxaa qarax lala eegtay Taliyihii dambi
baarista
Mudug ee Puntland Warsame Yuusuf Axmed.
Taliyaha booliska Mudug ee Puntland Jaamac Maxed Axmed
ayaa u sheegay
Websetka Warlalis in taliyaha uu ka badbaaday qaraxaasi balse
uu
dhaawac fudud kasoo gaaray gacanta, isaga oo ku eedeeyay qaraxaasi
inay ka dambeeyaan Al Shabaab.
Jaamac Maxed Axmed ayaa carabka ku dhuftay in haatan
ay wadaan
ciidamadooda baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii ka
dambeeyay
qaraxaasi oo uu sheegay inay gacanta kusoo dhigayaan.
Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in dhowr jeer ay fariimo
hanjabaadyo
ah u direen Taliyaha,iyaga ugu hanjabay inay dilayaan.