» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Faallo, Musharaxiinta madaweynenimada somaliya, yaa ugu cad cad.

 

Musharaxiin

Bisha soo socota ee Agoosto waxaa la sugayaa doorashada madaxweyne cusub oo bedela kan haatan jira. Waxaa muuqata in dad badan oo cusub ay daneeynayaan siyaasada. Dad fara badan ayaa illaa iyo hadda isa soo sharraxay iyadoo ay maalinba maalinta ka dabeysa soo baxayaan musharaxiin cusub, musharraxiintu waxaa ay isugu jiraan laba qeybood:-

Qaar ay dhab ka tahay iney u tartamaan Xilka madaweynaha Somalia iyo kuwo ku doonaya xilal kale ama in ay u noqoto iridii ay siyaasada kasoo gelayeen. Musharaxiinta waxaa guud ahaan loo qaybin karaa sedex qaybood.

1- Kuwa Haatan Madaxda ah

Madaxda haatan talada haysa Labada Shariif iyo C/weli waxay haatan gacanta ku hayaan hawshii dhamaystirka xiliga kumeelgaarka ah iyo imkaaniyaadkii dawlada. Hadiise aan mid mid u kala qaadno.

Shariif Ahmed: Fursada uu haysto waa inuu madaxweyne haatan yahay, lana filayo inuu haysto dhaqaale uu loolan ku galo iyo fursad uu ku xodxoto Odayasha dhaqanka iyo Xildhibaanada cusub. Sidoo kale wuxuu isku deyayaa inuu taageero ka raadsado dawladaha deriska ah uuna isku muujiyo inuu yahay nin ay ku kalsoonaan karaan. Waxaase shariif haysta caqabado badan oo ay adagtahay inuu ka talaabsado.

Waa tan hore wuxuu lumiyey kalsoonidii ama aaminidii ruux siyaasi ah la aamini lahaa, taasna waxaa marqaati ka ah inuusan maanta lahayn saaxiib siyaasadeed oo dhinac jooga, Maxkamidii, Isbahaysigii, Aalu Sheekh, Farmaajo kooxdiisii, dadkaasoo dhan waxay ahaayeen saxiibo shariif, laakiin maanta cidna kama hayo. Waxaa kaloo jira in musharaxiin badan oo ay jufo hoosaad yihiin ay tartan kula jiraan, Sida C/raxmaan Baadiyow, Xasan Sheeikh, Cali Geedi, Cismaan John, C/qaadir Cosoble iyo kuwo kale.

Waxaa taas kasii daran in maalmahan la sugayo warbixin la filayo in ay si wayn u dhaawici doono sumcada Shariif Ahmed taasoo gudiga dabagalka Qaramada Midoobay, (UN monitoring Group), ay ku cadayn doonaan musuqmaasuqii iyo takri falkii maaliyadeed ee uu ku kacay intii uu xilka hayey. Shariifka waxaa si wayn uga soo horjeeda qaar ka mid ah quwadaha waawayn sida Maraykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub, kuwaasoo u arka in Shariif in uu yahay nin aan wadaag siyaasadeed lala yeelan karin, la iskuna halayn karin.

Waxaa kaloo caqabad wayn ku ah Shariif Axmad dhaliilaha ku wajahan dhanka hogaaminitiis, taasoo dad badan ku dhaliilsanyihiin inuu yahay nin go'aan jilicsan. Hadaba markii la isku miisaamo Fursadaha uu Shariif Axmad haysto iyo caqabadah horyaala waxaa aad u badan caqabadaha, taasaoo mid aan fududeyn ka dhigeysa in uu guuleysto.

Shariif Xasan: fursadaha uu haysto waxaa ka mid ah inuu yahay siyaasi xirfad badan, kalayaqaan saaxiibkiis iyo cadawgiisa. Waxaa gacanta ugu jira awooda siyaasadeed ee Beesha Digil iyo Miriifle. Ma jiraan ruux siyaasi ah oo beeshiisa ah oo tartar kula jira ama siyaasada ku cariirinaya. Wuxuu kaloo heli karaa dhaqaale badan oo uu loolanka siyaasadeed ku galo.

Caqabadaha haysta waxaa ugu waawayn, sidii uu Beeshiisa uga dhaadhicin lahaa in ay kursiga gudoomiyaha Baarlamaanka uga wareegi lahaayeen si ay madaxweynimo u raadsadaan. Waa arrin aad u adag in 50 ka Xildhibaan ee Digil iyo Mirifle uu ku qanciyo in ay ka tanaasulaan arrinkaas oo ay isaga madaxweyne la doonaan. Sababtuna waa in ay jiraan siyaasiyiin beeshiisa oo damac siyaasadeed leh iyo iyagoo u arka in ay adagtahay in beelaha kale gaar ahaan Hiwiye iyo Daarood la dhaafiyo kursiga madaxweyanah iyo kan Ra'iisuwasaaraha. Waxaa kaloo culays weyn kaga imaan doonaa sida la saadaalinayo in warbixinta Qaramada Midoobay dhowaan daabici doonto ay asi wayn u dhaawici doonto. Lunsi Hantiyeed, Musuqmaasuq iwm, taasoo keeni karta in loo arko Qaswade xayiraad la saaro.

Dhinaca kale, labada Shariif waa saaxiibo mararka qaarkood isku dhinac u socoda, laakiin waxaa sahlan in ay dantoodu kala boodo oo ay cadaw isku noqdaan, sida dhacday marar hore oo badan, kumase sii jirto hadii ay madaxtinimada wada doonayaan.

Sheikh Shariif wuxuu aaminsanyahay in Shariif Xasan uusan fursad u haysan ku guulaysiga Madaxtinimada waxyaabo badan oo jira awgood, sidaas daraadeed wuxuu doonayaa inuu xoojiyo xiriirka Shariif Xasan si uu isaga u dhiso.

Shariif Xasan qudhiisu wuxuu rumaysanyahay in Sheikh Shariif uusan sumcad badan lahayn, kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaalida iyo aduunka ay ku qabeen ay luntay, fursada uu ku guulaysan karaana ay yartahay. Sidaas daraadeed ay waajib tahay inuu hayo xarigiisa. markii uu helo fursad uu isagu kusoo bixi karo ama ruux kale ku dhisan karo uu Sheikh Shariif xariga u jaro. Waxaa la dhihi karaa waa laba nin oo is dagaya.

C/weli Gaas: waxaa ku jira damac uusan weli banaanka soo dhigin, wuxuu haystaa fursad uu ku sheegan karo inuu masuul ka ahaa dhamaystirka Roadmap ka iyo meelmarinta hawlihiisa. Wuxuu aaminsanyahay inuu taaganyahay Booskii Nuur Cade uu shirkii Jabuuti ka taagnaa. Caqabadaha haysta waxaa ugu waawayn in uu ku guulaysan la'yahay taageerada Puntland. Waxaa kaloo jira musharaxiin kale oo ay isku jufo yihiin oo tartarka kula jira, sida Xuseen Khaliif, Xaaji Maxamad Yaasiin, Cumar C/rashiid iyo kuwo kale.

Waxaa jira xoogag ku eedeeyey inuu mudnaanta siiyay Puntland una muuqday nin Faroole ka amarqaada danta Puntland ay wax walba kala wayntahay. Wuxuu kaloo ka baxsan karin cadaawada uu Faroole u abuuray reerkiisa, taasoo Khaatumo (Dhulbahante) Laylkase, Mareexaan iyo Somaliland ay isaga mid yihiin in ay kursiga ka ilaaliyaan nin Haybta C/weli kasoo jeeda.

Dhinaca kale, waxaa loo arkaa in Puntland ay haatan saami muuqada haysato hadii ay dawlada dhexe ku darsatana ay keeni karto kacdoon beelaha kale, gaar ahaan Hawiyaha. Waxaa muuqata in aysan dhinac u fayoobayn dhan waxaa lagu eedayaa xaglin Puntland , halka dhinaca kale uusan haysanin Taageeradda Puntland.

Siyaasiyiin hore:
Ragan waa kuwo xilal kala duwan horay u soo qabtay, laakiin haatan aan xil gooni ah ku magacaawnayn. Waxaa ragaas ka mid ah.
C/raxmaan C/Shakuur, wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga waa nin dhalin yaro ah aqoon leh waxaa uu kusoo caan baxay heshiiskii Jabuuti ee ay ka dhalatay dawlada haatan jirta. waa nin siyaasadda wax badan ka bartay sanadihii u danbeeyey laguna tilmaamo inuu yahay nin aragti dheer. Inta la ogyahay ma jiraan qabiilooyin cadaawad u haya waana murashaxa illaa iyo hadda ugu cad cad beeshiisa Habar gidir.

Waxaa la sheegaa inuu xiriir dhow oo hoose la leeyahay dowladda ingiriiska oo laga yaabo in ay wax u tarto. Waxaanse la ogeyn inta uu la egyahay xiriirkiisa waddamada deriska gaar ahaan Ethiopia. Ma ahan nin dhaqaale fara lagu tuhmayo wallow ay jiraan warar sheegaya inuu taageero ka heysto maalqabeen beeshiisa ah.

Waxaa laga yaabaa inay isagana dhaawac u geysato isfahamkii Somaliya iyo Kenya oo isagu ahaa ninkii Somaliya heshiiskaas u saxiixay wallow uu beryahan danbe isku deyayey inuu arintaa iska fogeey, isagoo soo bandhigay dukumiinti wax ku ool ah oo la rumaysan karo, taasoo ay dad badan u arkeen wax lagu qanci karo. Waxaa isaga iyo raga la midka ahba caqabad ku ah Labada Shariif oo hadii sida xaalku haatan yahay kusii socoto iyagu yeelanaya awoodda ugu badan..

Maxamed C/laahi Farmaajo: Waa ra'iisuwasaarihii hore ee Soomaaliya, Fursadahiisa waxaa ka mid ah in intii uu ahaa raisul wasaaraha uu sumcad wax qabad oo weyn kasbaday taasoo u soo jiiday taageerayaal fara badan, sidoo kale waxaa la tuhmayaa inuu dhaqaale fiican heysto, malaha qabiilooyin ka soo horjeeda, caqabadaha haysta waxaa ka mid ah in musharaxiin badan oo beeshiisa ah ay jiraan qaarkoodna yihiin dad magac leh sida Maslax Maxamad Siyaad iyo Saacid Sh Doon. Sidoo kale waxaa loo maleynayaa in Farmaajo ay si wayn ugu kacsanyihiin xoogag muhiim ah oo beesha caalamka iyo deriskaba ay ka mid yihiin.

Waxaa wararka qaar sheegayaan in uu ku jiro dadka ay warbixinta Gudiga dabagalka ee Qarama Midoobay ku eedayn doonto inuu musuqmaasuq ku kacay, taasoo haddii ay dhacdo taargeerayaashiisa niyad jab weyn ku ridi doonta.

C/laahi Axmed Cadow: waa siyaasi xilal fara badan ka soo qabtay dowladdii somaliaya, Fursadihiisa waxaa ka mid in la tuhmayo inuu dhaqaalo heysto iyo inuu laba tartan madaxweyne oo hore soo maray uuna waayo arag ku yahay qaabka loolanka madaxtimada soomaliya la isugu jallafeeyo. muddo dheer ayuu dibadaha ku noolaa, waxaa lagu eedeeyaa inuu somaliya yimaaddo oo keliya markii ay doorasho madaxweyne jirto, sanadihii 2000 iyo 2004 waxaa uu galay kaalinta labaad. Caqabadaha heysta waxaa ka mid ah inuu yahay nin da,weyn oo sano 80 ku jira iyo iney jiraan rag culus oo beeshiisa ah oo tartanka kula jira. Waxaa kaloo caqabad ku ah in dadka wax dooranaya into badan aysan jiilkiisa ahayn.
Musharaxiin masraxa siyaasada ku cusub.

Waxaa jira musharaxiin ku cusub masraxa siyaasada haatana tartanka ku jira. Waxaa ka mid ah:

C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow, waa nin aqoon yahan ah dhaqanka Somalida yaqaanna, waxaa uu xubin ka yahay garab ka mid ah ururka Al-islaax Garabka Dr Cali Sheekh. Waxaa uu ka soo shaqeeyey Jaamacada Muqdisho iyo ururkii INXA ee bulshada Rayadka ah.

Caqabadaha haysta waxaa ka mid ah in ay dhabarka ka taaganyihiin siyaasiyiin ay aad u diidanyihiin qaar ka mid ah beelaha Muqdisho Degan sida Cali mahdi maxamed iyo in ay jiraan musharaxiin badan oo beeshiisa ah, kuwaasoo uu ugu muhiimsan yahay Madaxweyne Sh Shariif oo isagu haatan xilka haya iyo Xasan Sheekh.

Waa nin aan laheyn waayo aragnimo siyaasadeed mana cadda inta uu la egyahay xiriirkiisa beesha caalamka iyo tan gobolka, waxaase loo badinayaa inuu Masar xiriir dhow la leeyahay. Waxaa la sheegaa in garabka Alislaax ee uu ka tirsanyahay aysan isku waafaqsaneyn musharaxnimadiisa oo rag ay ka mid yihiin Sh. Garyare iyo rag kale oo miisan ku leh Al-islaax ay qabaan in aysan munaasib aheyn in xiligaan ay Al islaax tartan gasho.
Sidoo kale xubin nimadiisa Alislaax waxaa laga yaabaa iney u abuurto cadaawad kaga timaadda ururada kale ee ay Alislaax xafiiltamaan sida Al-ictisaam, Damul jadiid,Aalu Sheikh iwm.

Prof. Samatar waa nin ku cusub siyaasada, waa aqoon yahan banaanka yaalla, waa aftan haybad Weyn leh. Waa nin aqoon academic ah u leh qaab dhismeedka mujtamaca Somalida, kuna dheggan midnimada Somaliya taasoo uu Somali badan uga kasbaday Sumcad wanaagsan. Waxaa uu kasoo jeeda Gobolka Awdal ee waqooyi Soomaaliya,

30kii sano oo ugu danbaysayna wuxuu ku sugnaa wadanka Maraykanka. Caqabadaha haysta waxaa ka mid ah, waa nin dhaliilaha uu qabo aan la gabban taasna waxaa uu cadaawad weyn ugu kasbaday maamullada Somaliland iyo Puntland oo aan labaduba dooneyn inuu Somaliya madaxweyne ka noqdo.Lama oga inta ay laegtahay taageerada uu ka heysto deegaannada uu ka soo jeedo.

Siyaasadda uu ku cusubyahay waxaa ay u keeneysaa in uusan ka bixi karin siyaasada 4.5 ku dhisan ee u baahan dhul isdhigid iyo dhismo isbahaysi taasoo u baahan xirfad iyo dulqaad dheeri ah. Waa hubaal in aysan dowladaha reer galbeedku diidi doonin kana soo horjeesan doonin waxaanse la ogeyn xiriirka uu la leeyahay dowladaha deriska ah.

Xasan Sheikh: waa guddoomiyaha Xisbiga nabadda iyo Horumarka, waa nin qunyar socod aqoonyahan ah kana soo shaqeeyey heyadaha waxbarashada gaar ahaan machadkii Simad oo uu hormuud ka soo noqday, waa nin siyaasadda ku cusub, waxaa loo maleynayaa inuu xiriir fiican la aleeyahay bulshada rayidka ah, mana ahan nin wax badan laga yaqaan. Waxaa taageersan garab ka mid ah urulka Alislaax garabkiisa Damul jadiid.

Caqabadaha heysta waxaa ka mid ah in rag culus oo beeshiisa ah ay tartanka ku jiraan, iyo in uusan xiriir siyaasadeed la lahayn beesha Caalamka iyo Gobolka.

Ugu danbeyntii natiijada doorasha bisha soo socoto waxaa ay wax badani ku xirraan doonaan war bixinta ay guddiga dabo galka qaramada midoobey dhowaan ka soo saari doonaan musuqmaasuqa madaxda TFG ayna dhici karto in qaar ka mid madaxda TFG gaar ahaan laba shariif laga joojiyo iney tartamaan, haddii ay taasi dhacdana waxaa loo badinayaa iney fursad weyn helaan ragga ay ka midka yihiin, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Moxamed C/lahi farmaajo, oo ayba dhici karto in asaga laftiisa warbixintaasi wax yeello u geysato, C/weli Cali Gaas, Raisulwasaaraha hadda jira iyo qaar ka mid raga siyaasadda ku cusub oon qaarkood la dhayalsan Karin. Haddii aysan waxbixintaasi laba shariif wax u dhimin waxaa tartamayaasha kale oo dhan ku adkaan doonta iney laba shariif la loolamaan.


Waa faalladii C/naasir Yusuf (Black)
Iyo Abuubakar Banaadiri
Naasriin1@gmail.com


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden