Hayadda
FAO oo cambaaraysay dil magaalada Marka loogu geystay mid
ka mid ah shaqaalaheeda
Warsaxafadeed ay ka soo saartay Heyadda cunada iyo
beeraha Q.M ee FAO xafiiskeda magaaladda Nairobi ayaa ayaa
lagu sheegay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay magaalada
Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ka hor inta aysan magaaladaasi
gaarin ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.
Agaasimaha hayadda FAO FAO José Graziano da
Silva ayaa sheegay inay aaminsanyihiin in dagaalyahanada Al-Shabab
ay magaalada Merka mid ka mid ah shaqaalahooda oo lagumagacaabi
jiray Yaasiin Maxed Xasan oo 32 sanno jir ahaa.
Hayadda FAO ewaxay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay
inay ka naxsatahay dilka loo geystay ruuxaasi waxaana ay intaa
ku dartay inay murugada la wadaagayaan ehelada uu marxuumkaasi
ka geeriyooday.
Xogta aynu heyno waxay sheegaysaa in marxuumkaan ay
dileen dagaalyahanada Al-Shabab dabcan gar daaro ayay ku maageen
ayuu yiri José Graziano da Silva oo ah agaasimaha guud
ee hayadda Q,M u qaabilsan arrimaha cunnadda iyo beeraha
ee FAO.
Hayadda FAO ayaa gobolkaasi Sh/hoose ka hawl galaysay
4 sanno ee la soo dhaafay waxaana hawsha ugu badan ee ay qabtaan
ay tahay inay beeralayda siiyaan dalagyo ay beertaan